Dowladda Britain Oo Safiir Cusub U Soo Magacawday Dalka Soomaaliya.

November 19 2016 (Puntlandes)-Dowladda boqortooyda Britain ayaa waxa ay safiir cusub u soo magacowday Soomaaliya kaasoo bedeli doona safiirkii hore ee dalkaas oo xiligiisu dhamaaday.

MR David Conca ayaa noqon doona danjiraha cusub ee Somalia uga wakiil noqonaya isagoo bedelaya safiirada xilka heysa haweeneyda lagu magacaabo Harriet Matthews.

Mas’uuliyiinta wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Britain ayaa sheegay in safiiradii la bedelay loo magacaabay xil kale, ayna Britain rajeyneyso in safiirka cusub uu sii xoojin doono xiriirka labada labada dowladood.

Danjirahaan cusub ee dowladda Britain usoo magacawday Soomaaliya oo xilka lawareegaya dhammaadka sanadkaan ayaa waxa uu kamid noqon doonaa safiiro badan oo fadhigoodu yahay Muqdisho.

About The Author