Gaalkacyo: Xaaladda Gaalkacyo oo is waydiin ubadatay (Xog)

Magaaladda Gaalkacyo oo maalmahaan kasoo raynaysay sidii ay ahayd, bishii ina dhaaftay oo dhan, ayaa waxaa maanta la iska waydiinayaa Hirgalinta xabadjoojintii la dhex dhigay labada ciidan.

Xabad joojinta ayaa la sheegay in ay si toos ah u hir gashay shalay galinkii danbe, Maanta oo sabti ah ayaan la maqlayn wax rasaas ah, inkasta oo xalay galin danbe ay magaaladda qabsatay rasaas, aad u farabadan oo ka dhacda, aaga Saldhiga Miir.

Koox aan muddo dheer sii joogin ayaa weerar gaadmo ah kusoo qaday Sal dhiga meel ku dhow, taas oo keentay in ay is rasaasayni dhex marto, labada ciidan inkasta oo ay markii danbe is ka joogsatta.

Xaaladda Jiidaha hore ayaa maanta dagan, iyada oo ay ka hir gashay, xabad joojintii la saxiixay.

Mid ka mid ah raakiisha ciidanka oo aan la xiriiray, ayaa noo sheegay in ay shaki badan ka qabaan soonoqoshada ciidanka Galmudug, kuwaas oo maalmahaan danbe qorshaynayey in ay sameeyaan weeraro gaadmo ah, wuxuu intaas ku daray in ay dhankooda u hogaansameen amarkii ay soosaareen madax sare ee iicdanka iyo madaxweynaha.

Ciidamada ayaa ahaatn la kala Geeyey laba meelood oo looasteeyey, midkasta waxaa dib loo raray 2km, Ciidanka Galmudug ayaa ayaa 1km qorax kasoobax ama Bari ka maraya Laamiga dheer, Halka Kuwa Puntland ay iyagun 1Km laamiga Dhinaca kale karayaan.

xaaladda ayaa la baxnaaniyaa, iyada oo la filayao in labada madaxweyne ay safaro gali doonaan.

Lasoco wixii sookordha.

About The Author