Gaalkacyo: Gudi labada dhinac ah oo la magacaabay iyo Wajahad Cusub

19 nov 2016 (Puntlandes) Kulan ay yeesheen Madaxdaxweyanayaasha Puntland, Galmudug, Dowladda federaalka iyo Wakiilo ka socday Qaramada midoobay, ayaa maanta ka dhacay Garoonka Diyaaraha ee C/lahi Yusuf, waxaana kulankaan lagu dhamaystirayey, xabad joojintii ay horay u gaareen madaxda labada maamul.

Kulankaa ayaa waxaa lagu qabtay guddi labada dhinac oo ka kooban 18 xubnood, kuwaas oo la doonayo in ay ka shaqeeyaan sidii aysan xabaddu mar danbe u qarxi lahayn, iyo in ay hubiyaan in Ciidamadu ay barahoodo baaqi kusii ahaadaan oo aan lagasoo rarin goobaha ay haatan kala fadhiyaan.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan maxamed Khaliif (Xasan Abgaaloow) ayaa saxaafadda u sheegay inay haatan ka gudbeen xabad joojintii ayna u gudbeen in gudiyada la isku dhafo ayna noqdaan Nabad dhaliyayaal.

Gudiga ayaa waxaa qayb ka noqon doona xubno kala matalaya Qaramada Midoobay iyo Igad, kuwaas oo goob jooge ka noqon doona sida ay usocdaan hawlaha nabadaynta, kana qayb qaadan doona hir galinta nabadaynta.

Ugudan bayntii Raysal wasaaraha DFS ayaa u duulay Muqdisho, waxaana sii sagootiyey labada Madaxweyne, kadib markii lasoo gaba gabeeyey wajigii koowaad ee nabad raadinta magaaladda Gaalkacyo.

Daawo Sawirro.

img_2081 img_2082 img_2083 img_2090 img_2092 img_2093 img_2094 img_2095

About The Author