Gaalkacyo: Abgaaloow “Waxaan ahayn gudoomiyah Nabadda ee Galmudug” (Dhagayso)

19 nov 2016 (Puntlandes) Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan Maxamed Khaliif (Xasan Abgaaloow) oo saxaafadda la hadlay kadib kulankii ay maanta yeesheen madaxda Dowladda Goboleedyada iyo dhex dhexaadiyaashii, DFS, QM iyo IDAG, ayaa ka dhawaajiyey in ay haatan ka gudbeen wajigii koowaad.

img_2094

Gudoomiye Xasan Abgaaloow ayaa sheegay in la isku dhafay guddiga nabadaynta ee labada dhinac, waxaana uu intaas kusii daray inuu isagu ka shaqayn doono Galmudug, si loo xaqiijiyo nabadda magaaladda Gaalkacyo, waxaa uu sidoo kale sheegay in shacabka looga baahan yahay in ay garab istaagaan guddigooda.

“Waad u jeedaan Anigu waxaan hogaamin doonaa guddiga Nabadaynta ee dhinac Galmudug, gudoomiyaha kale ayaa isaguna hogaamindoona gudiga nabadayn ee dhinaca Puntland”

Gudoomiyaha ayaa ka digay in la dhagaysto dadka Warxumaha sida, waxaana uu intaas ku daray, in ay shacab ogaadaan in haatan laga gudbay colaadii, loona baahan yahay in nabadda la balaariyo.

Dhagayso.

About The Author