BREAKING NEWS: Ilaaliyayaal Xabad joojinta la gaaray & Ciidan ka socda DANAB oo Gaalkacyo la keenay

19 nov 2016 (Puntlandes) Warbaahinta Puntlandes ayaa ogaatay in maanta ay kasoo dageen magaalada Gaalkacyo 3 Xubnood o oka socda UN ka iyo IGAD kuwaasoo korka ka ilaalinaya Xabad joojintii ay Puntland iyo Galmudug ku heshiiyeen.

226-3-1

Waxay kaloo Warbaahinta Puntlandes ogaatay in Ciidan ka socda DANAB oo tiradoodu ay gaarauyso 20 Askari iyana la keenay magaalada Gaalkacyo si ay u ilaaliyaan Korjoogayaasha Xabad Joojinta.

Ciidamada DANAB ayaa horay u yimid magaalada Gaalkacyo waxayna hawlgal ay ka sameeyeen Xaafadda Baraxley ee Koonfurta Gaalkacyo oo uu ka arimiyo maamulka Galmudug kusoo qabqabteen Rag fara badan oo ka tirsan Kooxda Alshabaab.

Xaafadda Baraxley lagama jecla Ciidamada DANAB ee la dirira Kooxda Argagixisada ee Alshabaab, waxaana markii hore oo ay Gaalkacyo yimaadeen ka saaray madaxweynaha DFS Xasan Sheekh oo Baraxleey looga dacwooday sida ay Xogta ku heshay Warbaahinta Puntlandes.

Puntlandes.com

About The Author