Dhagayso: Meesha uu marayo dhismaha Garoonka Diyaaradaha Garowe

19 nov 2016 (Puntlandes) Waxaa ka dhacay Caasimadda Puntland shir looga hadlayey sidii looga qayb qaadan lahaa Nal gelinta Garoonka Diyaarahada Garowe oo dhismihiisu marayo heer gabogabo ah.

232-4a3

Shirka ayaa dadkii waxaa ka mid ahaa WasiirkaWasaaradda Duulista Hawada iyo Garoomada Puntland Xasan Xaaji Siciid oo sharaxaad dheer ka bixiyey meesha uu marayo dhismaha Garoonka Diyaaradaha Garoonka Garowe.

Wasiirka ayaa sheegay in inta lagula heshiiyey Shirkada dhisaysa Garoonka ay tahay:

  1. Rumway
  2. Meelaha ay kusoo leexdaan iyo meelaha ay istaagaan
  3. Siliga Garoonka ku wareegasan

Wasiirka ayaa sheegay in Dhismaha qaybta hore ee Siliga iyo dhismaha Runwayga waxaa uu ku dhow yahay gabo gabo, waxaana lagu qiyaasayaa inuu kusoo idlaanayo ugu badnaa labo bilood iyadoo hada la bilaabayaa qaybtii u dambaysay ee Daamurka ama Laamiga la saarayo.

Wasiirka yaa soo dhaweeyey dadkii isku hawlay inay u istaagaan wax u qabadka Garoonka Diyaaradaha. In Nal la geliyo Garoonka nooguma jirin Qorshaha laakiin waa wax aad u fiican inaynu ku darsano si diyaaraduhu ugu soo dagaan Habeen iyo maalin.

Wasiirka ayaa sheegay in Dawlda Puntland ay diyaarisay Garoonka Kanooka oo ay gelisay 200000 doolar, waxaan kaloo ay aad u kordhisay Ciidanka Amniga sugaya oo ay kordhisay 18000 doollar bil walba.

Dhagayso Wasiirka Wasiirka Duuliska Puntland


Puntlandes.com

About The Author