Sawirro: Hay’adda Waddooyinka Puntland, Jaamacadda PSU & Guddiga Qandaraasyada PL oo beeniyay War been abuur ah oo laga faafiyeen

20 nov 2016 (Puntlandes) Shir jaraa,iid oo ay maanta si wada jir ah ugu qabteen magaalada Garowe, Maamulka Jaamacadda PSU,  Gudoomiyaha Hay,adda Wadooyinka Puntland  (PHA) iyo Hay,adda Qandaraas bixinta Dowlada Puntland waxay ku cambaareeyeen qoraal dhawaan lagu faafiyay baraha internetka kaas oo lagu sheegay in la musuq maasuqay mashruuca dhismaha laamiga dheer ee isku xira Garowe iyo Gaalkacyo.

Madaxweynaha Jaamacadda PSU Maxamuud Sheekh Xaamid ayaa sheegay inay magdhaw ka rabaan cidda si khaldan u adeegsatay daraasad jaamacadda Puntland State University dhawaan ay soo saartay, wuxuuna hoosta ka xariiqay Maxamuud Sheekh Xaamid inay la kori doonaan Maxkamad.

Gudoomiyaha Hay,adda Wadooyinka Puntland Eng Maxamuud Cabdinuur Aadan ayaa dhankiisa faahfaahin ka bixiyay halka uu marayo mashruuca dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo, Sidoo kalena wuxuu waxba kama jiraan ku tilmaamay warar lagu faafiyay qaar ka mid ah warbaahinta internetka , kuwaas oo uu sheegay inay ku xadgudbeen habka xog raadinta iyo war-tabinta.

img_0095Eng Maxamuud Abdinuur ayaa yiri “Hay’adda waddooyinka iyo dayactirka  jidadka DPL, waxay  xaqiijinaysaa  inaysan jirin shirkad ku guulaysatay wali tartanka loogu jiro dhismaha waddada isku xirta Garowe – Galkacyo qaybta Xarfo – Jalam ka dib markii lagu faafiyay  qaybo ka mid ah baraha bulshada ee internetka qoraalo been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn”

Eng Maxamuud Cabdinuur ayaa kula dardaarmay warbaahinta inay shaqadooda u gutaan si cadaalad ku dheehan tahay , Islamarkaana ay ka fogaadaan wixii lagu marin habaabinayo ummadda, wuxuuna yiri mar uu ka hadlayay doorka ay PHA ku leedahay mashruuca dhismaha wadada Garowe iyo Gaalkacyo .

“GIZ iyo PHA waa fuliyayaal  mashruuca waddada isku xirta Garowe iyo Galkacyo, Waxayna Hay,adda wadooyinku masuul uga tahay Dowlada Puntland iyo Shacabkeeda fulinta dhmanaan mashraaciida waddooyinka oo uu ka mid yahay mashruucan, halka ay Hay,adda GIZ masuul uga tahay Dowlada Jermalka iyo Midowga Reer Yurub”

img_0099Gudoomiyaha Hay,adda Wadooyinka Puntland ayaa intaas ku daray “waxaa lagu been abuurtay in Hay,adda Wadooyinka Puntland ay soo jeedisay in Shirkaddo maxaliya ay dhisaan wadada Garowe iyo Gaalkacyo, Haddaba taasi waa mid ka fog xaqiiqda, waxayna fikradaasi ka timid Hay,adda GIZ iyo Deeq bixiyayaasha mashruucan, oo iyagu soo jeediyey in shirkaddo maxaliya ay dhisaan waddadan , Waxaana dood dheer ka dib sidaas ku waafaqday Dowlada Puntland  oo dhinacyada mashruucan gacanta ku haya ay usoo jeediyeen in looga faa’iideeyo shikradaha maxaliga ah ee Puntland, si looga kaaftoomo shirkadaha ajanabiga ah, Ka dib markii ay sheegeen in mashruucani uu bilow wanaagsan u noqon doono sidii ay mustaqbalka shirkadaha dalku awood ugu yeelan lahaayeen dhisida wadooyinka noocaan ah” Ayuu yiri Eng Maxamud Cabdinuur.

Dhinaca Kale waxaa ka hadlay shirka jaraa,iid ee maanta Gudoomiyaha Hay,adda Qandaraas bixinta iyo Xoghayaha Guddiga Qandaraas bixinta Puntland, waxayna si isku mid ah u cambaareeyeen wararka dhawaan lagu faafiyay qaar ka mid ah baraha internetka Soomaalida, oo ay sheegeen in gaf ka baxsan anshaxa saxaafadda loogu geystay shaqsiyadda xubno masuuliyiin ah.

img_0067Cabdiqani Faarax (Dhaashane) oo ah Xoghayaha Hay,adda Qandaraas bixinta Puntland ayaa sheegay inuu maxkamad la kori doono cidda ka dambeysa gafka shaqsiyadiisa loogu geystay si aan waafaqsanayn anshaxa warbaahinta warbixin dhawaan lagu qoray qaar ka mid ah baraha online-ka internetka ee Soomaalida, Islamarkaana uu garanayo kuwa ay yihiin dadka qoray been abuur uu ku tilmaamay mid aan sal iyo raad-toona lahayn.

 

img_0102img_0095img_0071

img_0067img_0077 img_0084img_0095img_0099img_0102
Abshir Dhiirane
Puntlandes.com

About The Author