Boosaaso: Rag ku eedaysnaa Al-shabaab oo dil lagu xukumay (Sawirro)

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida iyo dambiyada Culus ee dawladda Puntland oo maanta oo Axad ah 20 November 2016, u fariisatay dhigaysiga waxyaabaha ay ku eedaysan yihiin Maxaabiis Alshabaab ah oo ciidamada Ammaanka Dawladda Puntland ay ku qabteen Bastoolado iyo rasaas.

Guddoomiyaha Maxkamadda ciidanka Qalabka sida iyo dambiyada Culus ee shanta Bari, Gardafuu, Karkaar, Sanaag iyo Nugaal, Cabdifitaax Xaaji Aadan oo maanta xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in Maxaabiista eedaysaneyaasha maxkamadda la horkeenay intooda badan xabsi lagu xukumay marka laga reebo.

1:- Dambiile Axmed Aadan Cabdullaahi Aw-cabdi oo kamid ahaa tababarayaashii Alshabab iyo Daacish, kuna dhashay magaalada Arabsiyo ee Soomaaliland.
2:- dambiile Cabdulaahi Maxamed Aadan Cabdi oo ku dhashay magaalada Baydhabo kana mid ahaa Alshabaab.

Sidoo kale Guddoomiyuhu wuxuu sheegay in Xukuno kala duwan oo Xabsi daa’in iyo Xabsi muddo leh ah lagu riday Eedaysaneyaasha Magacyadoodu hoos ku xusan yihiin.

3:- Salaax Xuseen Ibrahim, oo katirsanaa Shabab waxay maxkamadu ku riday xabsi daa’in.

4:- Cabdifitaax Jamaal Cabdi oo katirsanaa Shabaab waxay maxkamadu ku riday xabsi daa’in.

5:- Cabdikariin Siciid Cabdi oo dhawaan lagu qabtay bistoolado uu kusoo qariyay doon ka timid Yemen waxay maxkamadu xukuntay 20 sano oo xarig ah.

6:- Cabdiqaadir Mahad Nuux oo ah ganacsade oo hub lagu qabtay waxay maxkamadu ku riday shan sano oo xabsi ah.

7:- Cabdirisaaq Xayir Dacar. waxay maxkamadu usoo celisya xoriyadiisii.

8:- Farxaan Cabdulaahi Faarax oo aan qaan gaar ahayn waxay maxkamadu ku wareejisay laamaha cadaalada.

Sawirro.

15032861_10210184643869097_3403330879717276623_n 15078846_10210184644749119_6928978147934220260_n 15095671_10210184643469087_7121467069696675226_n 15107490_10210184645789145_130167739483662216_n

About The Author