HAY’ADDA SOCDAALKA SOOMAALIYA OO SOO DHAWEYSAY GO’AANKA KENYA

232-4b7
Anigoo ku hadlaya magaca Hay’adda Socdaalka & Jinsiyadaha Soomaaliyeed iyo magacaygaba, waxaan soo dhaweynaynaa hadalkii ka soo baxay Dowladda Kenya ee dib loogu dhigay xiritaanka Xerada Qaxootiga iyo hakinta ama balaarinta diyaar-garowga lagu samaynayo soo celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Kenya.
Qaxootiga Soomaaliyeed ee mudada dheer joogay Dalka Kenya waa mudan yihiin in loo helo wakhti dheeri ah oo loogu sii gogol xaaro Amaanka, Nolosha, Wax-barashada, iwm meelaha ay ka tagayaan wadankoodii hooyo ee Soomaaliya
.
Waxaan Dowladda Kenya iyo shacabkeedaba xasuusinaynaa in dadkaas oo inta badani ku dhalatay kuna kortay waxna ku bartay, inta kalena ay rubuc qarni daganeyd Dalkaas, ay xambaarsan yihiin wax badan oo ay la wadaagaan Ummadda Kenya, hadii ay noqon lahayd Luuqad, Dhaqan, Aragti, dareen iwm, ayna berri noqon karaan dad ay reer Kenya ku soo hirtaan ama wax la qabsadaan, ayagoo aan hubo in ay Dalka Kenya u arkaan Wadankoodii Labaad.
Waxaan hambalyo gaar ah u dirayaa Mudane Ergay Maxamed Cabdi Afeey oo howshaan u xil-saaran, oo aan hubo inuu qayb weyn ka qaatay gaarista go’aankaan.
Wa Billaahi Al-towfiiq
232-4b7a
Cabdullaahi Xaaji Bashiir Ismaaciil
Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee
Hay’adda Socdaalka & jinsiyadaha Soomaaliya.

About The Author