Daawo Video-Dhagayso: Gudiga isbitaalka weyn ee Gaalkacyo oo shaaciyey lacagihii ay heleen & xiliga Tartanka Qandaraaska

21 nov 2016 (Puntlandes) Gudoomiyaha guddiga dib u dhiska Isbitaalka guud ee Gobolka Mudug, Pro. Maxamed Jamac Salaad iyo xubno ka mid ah guddiga, ayaa maanta kulan saxaafadeed ay uga warbixinayaan meesha ay marasyo lacag aruurintii isbitaaka waxaa ay ku qabteen Hoolka Isbitaalka weyne ee Magaaladda Gaalkacyo.

img_2359

Guddiga ayaa saxaafadda ka hor akhriyey tirada lacagihii ay heleen bushaan aan ku guda jirno, lacagahaas oo ay ka heleen jaaliyado, Hay’addo iyo shaqsiyaad ku deeqay lacag, Guddiga ayaa u mahadceliyey intii lacagaha lasoo baxaday, waxayna ku sheegeen sidatan:

  1. Jaaliyadda Puntland ee magaalada Melbourne ee dalka Australia: 17000 Doolar Dr Xasan Yusuf Dhuux (Xasan Garabey) iyo Safiya Nuur Horeeye.
  2. Jaaliyadda Puntland ee magaalada Otowa Canada: 7720 Doolar
  3. Jaaliyadda Puntland ee magaalada Darasalam Tanzania: 6150 Doolar
  4. Jaaliyadda Puntland ee Atlanta USA: 5700 Doolar
  5. Jaaliyadda Puntland ee  Virginia: 4170 Doolar
  6. Jaaliyadda Malmo Sweden: 3727 Doolar
  7. Ururka Bisha Cas ee Gaalkacy & haya’adda UNICEF: 2997 Doolar
  8. Jaaliyadda soomaaliyeed ee Magaalada Riyad wadanka Sacuudiga: 2732 Doolar
  9. Gabdhaha Jaaliyadda Askar ee Norway: 1550 Doolar
  10. C/casiis maxamed Geelle London UK: 200 Doolar
  11. Xaliimo Xirsi Shirwac oo joogta Gaalkacyo: 100 Doolar
  12. Khadiijo Cilmi Mataan oo Gaalkacyo joogta: 100 Doolar

Isgugayn lacagta bishaan soo gaaratay Guddiga waa 52146 Doolar oo ay Muwaadiniintu kaga qayb qaateen Dib u dhiska Isbitaalka Gobolka Mudug ee Magaalada Gaalkcyo oo waxyeelo aad u wayn ay kasoo gaartay weerarkii Qaraxa loo adeegsaday ee Alshabaab kusoo qaaday magaalada Gaalkacyo.

Isbitaalka Gobolka Mudug ee Magaalada Gaalkcyo ayaa ah mid u haya shaqo aad u wayn gaar ahaan reer Puntland iyo guud ahaan ummadda Afka Soomaaliga ku hadasha.

Jaaliyadda Puntland ee magaalada Melbourne ee dalka Australia ee ay Hormoodka u yihiin Dr Xasan Yusuf Dhuux (Xasan Garabey) iyo Safiya Nuur Horeeye ayaa si mug wayn uga qayb qaadatay iyadoo ku Deeqday Isbitaalka lacag dhan 17000 Doolar, Warbaahinta Puntlandes way uga mahadcelinaysaa dadaalka ay muujiyeen.
Daawo Shirkii jaraa’id ee Guddiga

Gudiga ayaa maanta shaaciyey in ay hayaan naqshado kala gadisan, oo ay soo bandhigen Injineero doonayaa in ay ka qayb qaataan dib u dhiska isbitaalka, Waxaana ay shaaciyeen in ay qabanayaan Tartan loo galayo dhismaha cusub ee Isbitaalka weyn.

Dhagayso Pro. Mohamed Jama

Dhagayso Sh.Aadan oo akhrinaya deeq bixiyayaashii

Puntlandes.com

About The Author