DHEGEYSO-Gudoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Maamulada Degmooyinka Oo Go’aamo Soo Saaray.

November 27 2016 (Puntlandes)-Magaalada Garoowe ee caasimadda dowladda Puntland waxaa maalinkii shalay ilaa xalay kulan xasaasi ah kulahaa maamulka gobolka Nugaal iyo maamulada degmooyinka iyo tuulooyinka gobolka qaar kamid ah.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar Cabdullaahi Faraweyne oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay n shirkaasi looga hadlay xaaladda gobolka gaar ahaan abaaraha iyo ammaanka.

Corneal Cumar Cabdullaahi Faraweyne ayaa sheegay in maamulka gobolka Nugaal iyo gudoomiyayaasha degmooyinka ay isku raaceen in biyo-dhaanka laga sameeyo ceesha dowladda iyo kuwa gaarka looleeyahay ee deegaan walba ugu dhow.

DHEGEYSO

About The Author