Sawirro: Ciidanka Difaaca oo gaar daawo gaarsiiyey Dagmada Jariiban

28 nov 2016 (Puntlandes) Ciidanka puntland security force Ee loo yaqaan (PSF) ayaa xarumaha Caafimaadka dagmada jariiban Ee Gobalka Mudug Gaarsiiyey Deeq Daawooyin ah Si Loogu kabo baahiyaha Caafimaadka ee kajira Dagmada Jariiban Iyo Deegaanada Hoosyimaado.

Ujeedka Gurmadka ciidanka( PSF) ayaa ahaa inay Ugurmadaan Dadka Kunool Deegaanadaas Oo Ay kajiraan abaaro xoogan oo sababi Kari dhibaatooyin caafimaad darro siday taliska ciidanka ay uqeyb qaataan Gurmadka Dadkooda Ee Loo sameenayo,

Dhanka kale saraakiisha talsika Ciidanka( PSF) Ayaa kulan looga hadlayo nabada laqaatay odayaasha iyo maamulka Dagmada Jariiban waxyna ka hadleen in laxoojiyo nabada deegaanadaas,wada shaqeyn doona layeeshaan Taliska Ciidanka.
taliska Ciidanka ayaa bulshada deegaankaas ku amaanaay siday ugu heelan yihiin xasiloonida deeegaankooda sheegayna in bulshada reer jariiban lagu xasuusto sidii qeyb uga qaataan dagaaladii dowlada Puntland ay lagashay alshabaabkii kasoo daagay daagmada Garacad.

Ugu danbeyn wax garadka Dagmada Jariiban ayaa uga mahad ceshay taliska Ciidanka (PSF) Gurmadka daawooyinka ay soo gaarsiiyeen xarumaha caafimaadka sheegayna in Baahiyaha Caafimaadka wax katiri doonto Gurmadkaas ugu dambeynbtiina balan qaaday inay ka shaqeynayaa sidii nabada uxoojin lahaayeen xiriir doona layeelanayaa Taliska Ciidanka.

DAAWO SAWIRADA

dsc04741 dsc04771 dsc04776 dsc04777
Puntlandes.com

About The Author