Gaalkacyo: Saansaan Colaadeed oo ka jirta & Raas kala duwan oo dhacaysa

30 nov 2016 (Puntlandes) Rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa Koonfurta magaaladda Gaalkacyo, rasaasta ayaa marna xoogaysanaysa marna Joogsanaysa, mararka qaar ayaa la maqlayaaa, Baasuukayaal (RBG) iyo Dhashiike (Qoryaha Gawaarida saaran).

230-3a5

 

Xaaladda ayaa cakiran, waxaana magaaladda Laga dareemayaaa san saan colaadeed oo tii hore ka garisan, waxaana la arkayaa wadooyin xir xiran, Laamiga oo go’an iyo Koonfurta magaaladda Gaalkacyo oo Cidla isu badashay.

Inkasta oo magaalada Gaalkacyo inteeda badani ay dagan tahay, dadkuna ay si caadi ah u shaqaysanayaan, misana waxaa la dareemayaa in ay xakamayntii xabad joojintu faraha kasii baxayso iyo in ay xabaddu qarka usaaran tahay in ay dib u qaraxdo, haddii aan saacadaha soosocda xaaladda wax iska badalin.

Puntlandes.com

 

 

About The Author