Dhagayso: Muxuu Dr Gaas (MOOGE) ka yiri Saxaafada iyo waxa ay ka qoraan

Gaalkacyo (Pes) Madaxweynha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed cali Gaas  (MOOGE ) ayaa waraysi dheer siiyey VOA somali kaas oo waqtiga waraysiga uu ahaa waqti dhan 37 daqiiqo iyo 29 seken. Waraysigaa waxaa lagu macnayn karaa in uu ahaa bilow kaambaynkii 2016 ka ee Villa Xamar oo waqtigiisii ka soo hor dhacay. Waraysiga oo marka laga tago isgadida soo hormartay lagu soo qaaday

  1. Saxaafada iyo waxay ka qoraan Madaxweyne MOOGE,
  2. Arinta Airport Abdulahi Yusuf ee Magaalada Gaalkacyo,
  3. Boobka ay isku dayayaan kooxda Villa Xamar in ay boobaan Gobolka Mudug
  4. Xiriirka Puntland iyo Villa xamar
  5. Arinta Gobolka Sool la dulmaray
  6. Buuralayda Galgala oo kooxda Al shabaab laga xoreeyey

Hadadaba waxaynu ku soo qaadanaynaa qormadan qodobka koowaad ee ku saabsan Saxaafada iyo waxa ay ka qorto Hogaanka madaxweyne Mooge. Waxaa uu madaxweyne Dr  Gaas (MOOGE) uu ku bilabayaa mar uu ka hadlayey Saxaafada iyo waxa ay ka qoraan ” Waxa lagaa sheegayo waxna sax waa noqon karaan waxna  ma noqon karaan ,dabcan waa laga yaabaa in aad wax ka badasho haddii …”

Isagoo hadalka sii wata ayuu yiri Madaxweyne MOOGE yiri ”Baraha Internetka iyo wesiteyada QABIILIGA AH oo dad cayga isaga badan wax ka sheegeeduna ay mas’uuliyad daro ku jirto, Facebook-yada fadhikudirirka isaga batay oo qof walba wax ku qorayo, aniga waxba igama bedelayaan MISHINKAYGANA  saamayn kuma yeelanayaan”

Madaxweynuhu yuu ula jeedaa Websit-yada QABIILIGA ah ileen kuwa ku xiran Villa Xamar inay amaanaan maahee ma dhaliilaan. Sideedaba goormaa horumarkii lagu doortay Madaxweynaha la gaarayaa haddii uu Saxaafadii Puntland ee Samaheeda  iyo Wanaageeda jeclaa kana shaqaynayey wanaaga iyo Horumarka Puntland uu qaar ku eedeeyo QALIIBI aan mudnayn in la dhagaysto qaarna uu Jabsaday, qaarna uu ka xanibo in laga Akhristo Puntland isagoo Block-garayey kuna bixiyey waqti iyo lacag aad u farabadan oo u noqon lahayd Mushahaar shaqaale dhan oo aan in mudo ah Mushahaar qaadan. Qaarka soo haray oo Saxaafada fiican u ah Dr MOOGE waa kuwo  uu heshiis hoose la galay kuna shaqaynaya Heshiiskaas wuxuu u dhiibtana u Qora.

Warbaahinta Caalamiga ah ee Puntlandes waxay akhristayaasheeda u  cadaynasaa in ay ku taagnaandoonto wadadii loo aasaasay oo ahayd in shacab reer Puntland u bayaamiso Runta xataa haddii ay dacar ka kharaar tahay. Waxaan aaminsanahay in Horumarka iyo nabadgalyadu  ku jiraan in la isdhagaysto, waxaan kaloo aaminsanahay in laga hadlo xaqiiqada wixii dhacay, ama qaldamay, ama meesha ay dowladu wax ku wado. Markaas ayeynu sixi karnaa wixii naga qaldamay ee kuma sixi karno Cadowgeenaa ku farxaya ee yaan laga hadlin iyo wax la mid ah.

Waxaa nasiib daro ah in Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas  (MOOGE ) oo lagu doortay aqoon iyo in uu dalka gaarsiiyo Horumar in uu sidaan u hadlo una dhaqmo. Isagoo ku eedayn jiray Xukuumadii ka horaysay isaga in ay ku xadgudubtay Saxaafada Xorta uuna sidaas oo kale marna noqonayn dhagaysana doono. Hadana uusanaba waxbaba la garin madaxweynuhu isagoo qaar Saxafiyiinta xiray, Website-yo jabsaday, kuwa kale Block-gareeyey si aan looga akhrisan Puntland isagoo ku bixiyey waqtigii loo idmaday in uu Shacabka reer Puntland u shaqeeyo, isagoo u isticmaalay arimahaas lacagtii Canshuurta ee shacabka reer Puntland u bixiyeen in loogu adeego iyaga. Waxaa kaloo nasiib daro ah in uu Reer Puntland oo isku wada Qabiil ah u kala furfuro Qabiil isagoo dadka u tusaya kuwa aan sidaan rabo wax u qorayn waxaay igu diidan yihiin QABIIL.

Ugu dambayntii waxaa kaloo nasiibdaro ah tan uu yiri madaxweynuhu oo ahayd in ahddii dhaliishu sax tahay ay tahay in aad wax ka badasho sidii hore in aan laga hayn ilaa hada uuna ku dhegen yahay tii uu watay maalinkii uu Kursiga yimid taasoo ah MISHIN Villa Xamar u soo dhiibatay. Waxaa ku soo gabagabaynaynaa weedhii uu yiri madaxweynuhu oo ahayd ”Aniga  waxba igama bedelayaan MISHINKAYGA NA saamatn kuma yeelanayaan”

Halkan ka dhagayso Madaxweyne MOOGE

 

 

Puntlandes.com

 

 

 

 

About The Author