Video: Daawo meeshuu marayo Dhismihii Masajidka Abuubakar Sadiiq, Faldan ku sadaqays oo ka qaybqaado dhismaha masaajidka

Bursaalax(Pes) Waxaa ka socda dhisme Masaajid lagu magacaabo Masaajidka Abuubakar Sadiiq magaalada Bursaalax ee Gobolka Mudug. Masaajidka dhismuhu ku socdo ayaa, sida aad ka daawan kartaan Video ga, waxaa uu ku fadhiyaa dhul baaxadiisu dhan yahay 30mx20m halka uu markii hore ka ahaa 20mx10m taasoo ku yarayd magaalada waana la dumiyey . Ingineerka dhisaya Masaajidka wuxuu ku qiimeeyey in ay ku baxayso aduun dhan 230000 doolar (laba boqo iyo sodon kun) iyadoo loo helay ilaa hada 140000 (Boqol iyo afartan kun) taasoo u kala qaybsan 70000 qof muslim ah oo ku sadaqaystay halka 70000 laga uruuriyey laga uruuriyey Bulshada reer Bursaalax

404

Sheekh Muuse Yuusuf Xaaji o oka mid ah Culimada gacanta ku haysa dhismaha Masaajidka oo halkaas ka  hadlay ayaa wuxuu codsi u jeediyey dhamaan ummadda Soomaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay ka qaybqaataan ama ay gacan ka gaystaan dhamaystirka Masaajidka oo loo qabo baahi wayn.

Masaajidka dhimihiisa waxaa si deg deg ah loogu baahan yahay 90000 doolar oo aan lahaym ilaa hada. Waxaa laga cosnayaa Muslimiinta Soomaiyeed dibada iyi gudahaba in Allah dartiis wax ula baxaan kuna Sadaqaystaan wixii ay awoodaan Dhismaha Masaajidka oo u baahan saacidaadiina.

405

Qofkii wax la baxaayow oo ku sadaqaysanaya allah hortiis rabana in uu ka qaybqaato dhismaha Masaajidkaas, fadlan, waxaad ku aadisaa cinwaanadaan hoose:

 

  1. Shiikh Muuse Yuusuf Xaaji, Tel. No. +25290-7799913 –

BurSaalax.

  1. Xasan Yaasiin Sugulle, Tel. No. +25290-7796988 – Boosaaso.

 

 

Halkan ka daawo Video Ga

Puntlandes.com

 

 

 

 

About The Author