Sawirro: Gudigii xabad joojinta Gaalkacyo & Saraakiil UNka ah oo kulan wada jir ah qabtay.

3 dec 2016 (Puntlandes ) Kulan looga hadlayey xaaladda nabadaynta ee magaaladda Gaalkacyo, sidoo kalana dib loogu eegayey hirgalidda iyo caqabadaha hortaagan Xabad joojintii magaalada Gaalkacyo.

Kulanka oo qaatan ugu yaraa 6saacadood ayaa waxaa ugu danbayntii lagu gaaray is afgarad, sida ay saxaafadda usheegeen madaxdii labada dhinac ee kulanka ka qayb galay, waxaana ay xaqiijyeen, in ay ka go’antahay sidii aan xabad danbe uga dhacdeen magaaladda, loona soo celin lahaa nabadii labada dhinac.

Gudoomiyaha Gobolka Mudug Xasan maxamed Nuur (Abgaaloow) oo saxaafadda la hadalaayey ayaa sheegay in ay doonayaan in ay cagaha udhigaan nabadda magaalada, sidoo kalana ay xaqiijindoonaan isku dhafkii gudiga labada dhinac, si loo xaqiijiyo goobihii ay ciidamadu kala joogeen.

Gudoomiyaha gobolka Mudug Puntland.

SAWIRRO

img_3142 img_3146 img_3147 img_3149 img_3152 img_3153 img_3155 img_3156 img_3162 img_3165 img_3167 img_3171 img_3177 img_3183 img_3188

 

 

About The Author