Dr Gaas oo raacay wadadii odayaasha beelaha Hawiye.

Mar uu maantay Dr Gaas u waramayey idaacada VOA ayuu wuxuu ka jawaabay su, aalo ay dadka reer Puntland aad dhagta ugu taagayeen. kuwaas oo ku saabsanaa waxa iska bedeley 30 kii cisho ee looqabtay qolyaha Xamar in ay kaga garbaxaan Puntland.

Jawaabtiisii waxay ku soo urudhay laba waxyaalood  oo urugo iyo argagax ka muuqdo, oo tilmaan cad ka bixinaysa halka ay maanta Puntland taalo. Waa midda koowaade wuxuu yiri waxaan sugaynaa Raiisulwasaaraha si aan u wada hadalo, mana uusan cayimin waqtiga iyo goorta loo kordhiyey dawlada Xamar waqtigii ka dhamaaday 19 september 2014. Sow baabkaas ma xirmin???

109 470

Waxaa ka sii daray markuu ka jawaabayey su, aal ahayd saxaafada Puntland  waxa ay ka qoraan isaga, oo loola jeeday, daciifnimada, qowl la`aanta iyo iska daba socodka sabab la`aanta  ah ee Xamar. Su`aashaas oo aan anigu si gaar ah u xiisaynayey jawaabteeda ayuu ku jawaabay ”dhag jalaq u siinmayo Website qabiil Leeyahay (Puntland???) igana hor istaagimayaan mission:kayga (Ma tan Xamar looga soo dhiibaybaa???) ” ileen waatanoo Reer Puntland madaxwaynihii ay doorteen soo xigtey,  Xasan Xaad iyo Axmed Diirie oo afkoodii ku hadlaye.

Waa tii siyaasiyiintii Xamar ee xiligii 90:maadkii, shirkii reer Puntland ku baaqeen in lagu qabto Boosaaso ku tilmaamay tuulo qabiil leeyahay, waa tii qarkood laga hayey ” yaanyadiiyaan u keenay, ukuntiiyaan u keenay, arey say ii xukumaan” iyadoo taas loogu qiil dayanayey magalidii Xiligaas Soomali oo dhan u dhexaysay (Xamar) in aan nin aan koonfurta ka imaan wax ka noqon karin.

Hadaba ma la is weydiiyey mission:ka Gaas waxa uu yahay, maxaase kala gudboon dadka reer Puntland ee la bahdiley tan iyo siduu xukunka u yimid Gaas, sharaftoodii iyo sumcadoodiina uu meel uga dhacay?

415

Waa cadahay mission: ka Gaas oo waxaa lawada ogaa sidii indho la´aanta ahay ee uu markuu xukunka qabtay isugu dhiibay Villa Wardhiigley, dabadeedna iyada oo ay la yaabanyihiin dadka reer Puntland  looga bilaabay  burburinta Puntland ilaa markii dambe ay soo gaartay in lagu dhiirado qaadashayda Gobolo dhan oo ahaa xudunta Puntland. Waa tii ay taasi sababtay kacdookii bulshadu iyadoo ay hormood u yihiin saxaafada (uu ku tilmaamay mid qabiil), odayaashii iyo waxgaradkii. Waatii malinta Xamar lagu saxiixay qaadashada Gobolka Mudug uu Caruurta ku ciyaarsiinayeyey Madaxtooyada, markii dambena isla maalintaa, furayey oo xariga ka jarayey wadooyin ay bilawday dawladii isaga ka horaysay, isaga oo waliba si xishood la aan ah u sheegtay oo ku faanaya in uu isagu keenay. Waxaa ka mid ahaa hadaladiisii maalintaas isaga oo dhoolacadaynaya  ”wataas oo horumarkii Puntland waa bilowday”. Maanta wuxuu ku qirtay waraysigiisii VOA;da in Xasan Shiikh telefoon ugu sheegay saxiixa goosashada Gobolka Mudug. Kacdoonkii dadwaynuhu wuxuu keenay in uu isla habeenkii shir degdeg ah isugu yeero golihiisa wasiirada. Waa tii isaga oo qancinaya dadka reer Puntland oo dajinaya kacdoonkaa ku icaalamiyey in uu xiriirka u jaray Dawlda Xamar oo markii horeba uu sida sharci daradaa, xaaraanta iyo qodbo sireedka ah ku soo celiyey.  Waa tii la ogaayoo isaga iyo qolyo Xamar ka shaqaysta ay madaxtooyada isku soo xirteen iyagoo rabey in xiriirkii ay soo ceshedaan. Qiil la`aan iyo iyaga oo aan wax garowshiiye ah ka helin Xamar iyo bulshada caalamkaba. Waa tii hadana waxgardkii Puntland isla maalintaa isugu tageey hoolka shirarka ee hayada cilmibaarista Puntland iyaga oo rabay in ay ka hortagaan dibin daabayada ka socotey madaxtooyadoodii. Waa tii intuu baqay Gaas u qabtay qolyaha Xamar 30 beri. Hadaba maxaa dhacay markii uu 30 cisho dhamaaday iyadoo aan dheg jalaq loo siin oo cid ka hoos qaaday aanay jirin, ileen waa ogyihiin qolyaha Xamar in ay hawshooda xiligaan la joogo  Xamar taleefoon uga dhamaystaan.

Waxaa taa xigtey qodbo sireed labaad iyo iyadoo wufuud la is dhaafsanayo, meesha ay reer Puntland oo dhan ay u dhegtaagayeen 30 chisho markay dhamaato waxa xigidoona.

15

Hadaba maxaa la gudboon dadka reer Puntland iyo Baarlaamkoodaba. Wataas oo waa muuqataa mission:ka Gaas iyo inta isaga la shaqaysee. Waa in aynu soo ceshanaa sharafteenii, iyo maqaamkii aynu ku lahayn Soomali iyo caalamba oo aynu 8 januari 2014 sida sahalka ah gacanta ugu geliney gacan yarayaasha Villa Wardhiigleey. Tusaalihi ugu horeeyey wuxuu ahaa markii xafladii ugu horaysey ee caleema saarkiisii in madaxtooyada Puntland inta laga hor istaagay dadkii reer puntland ay ku dhaantaynayeen wax loogu yeeray badbaado qaran, Xamar diyaarado looga soo qaaday. Intii ka danbaysayna waan u wada jeednaa meesha naloo sito. Hadaynaan sidaas yeelin wacade meel fogbaa laga doonin.

74

W/Q: Maxamed Saliid Calisamey
Email: mxsaliid@gmail.com

Daabacaada:Puntlandes.com

About The Author