Daawo sawirrada dhismaha xarunta cusub ee kaydka shidaalka diyaaradaha ee Garoonka Bosaso oo heer gabogabo ah maraya

3 Dec 2016 (Puntlandes) Waxaa goor dhow lasoo afmeerayaa dhismaha xarunta cusub ee Kaydka Shidaalka Diyaaradaha ee Garoonka Caalamiga ah ee magaaladda Bosaso.

Dhismahan oo ku dhex yaal Garoonka Diyaaradaha Bosaso ayaa waxaa hirgalisay Shirkad lagu magacaabo DS Aviation Fuel company oo ay leeyihiin Ganacsato Soomaaliyeed.

Dhanaka kale waxaa isna Meel dhexe maraya dhismaha Kaydka Shidaalka ee Garoonka diyaaradaha ee Caasimadda Puntland ee Garowe, taasoo iyana ah mid Casri ah oon sida Qorshuhu yahay isku mar lala soo gabagabayn doona Dhismaha Garoonka.

Puntland ayaa waxay Cagta Saarta wadada Horumarka iyadoo la filayo inay dawlada iminka talada haysaahi ay gaarsiiso Puntland Horumar iyadoo xoogga saartay sidii ay wax wayn uga qaban lahayd Kaabayaasha Dhaqaalaha oo aan jirin Puntland marka laga reebo Wadada kaliya oona Burburka xoogan ka muuqdo ee isku Xirta Gaalkacyo iyo Bosaso iyo Dekedda yar ee Bosaso.

Dawlada Puntland ee uu madaxweynaha ka yahay Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas waxay dadaal aan daal lahayn u gashay mudda ku 3da sanno ee ay xilka haysay in dalka loo helo Mashaariic horumarineed iyadoo ay guul wayn ka gaartay arinkaas.

Daawo sawirada Deeq Maxamuud Xaashi
232-6

232-6a

232-6a1

232-6a2

232-6a3

232-6a4

232-6a5

232-6aaa6

232-61

232-61a
Puntlandes.com

About The Author