Sawirro: Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Caasimada Garoowe Ku Soo Dhoweeyey Wefti uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta gelinkii danbe 10 December 2016  ku soo dhoweeyey magaalada Garoowe ee caasimada Dawlada Puntland wefti uu hogaaminayo Raisalwasaaraha Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Madaxweynaha waxaa soo dhoweynta Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ku wehelinayaay masuuliyiin ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland  iyo saraakiil ka mida madaxtooyada Dawladda Puntland.

Ugu horayn madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku soo dhoweeyey Puntland Ra’iisul wasaaraha soomaliya, waxana uu sheegay in ay kawada hadli doonaan Xaalada Abaarta iyo Doorashooyinka Dalka ka socda.

‘’waxa sharaf weyn noo ah inaan galabta soo dhoweyno Ra’iisul wasaaraha Dawladda Fadaraalka  Soomaaliyeed Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Shamaarke oo ku yimi booqasho gaaban Puntland maanta, Ra’iisul wasaaruhu waxa uu uyimi Puntland hawlo badan oo dalka ka socda gaar ahaan dhamaystirka  doorashooyinka 2016 iyo sidoo kale inuu u kuur galo xaalada abaarta ee ka taaagan Dalka, waana ku mahad sanyahay inuu Ra’iisul wasaaruhu noo yimaado nalanaqayb sado culayska ay leedahay baarta ka jirta Puntland, waa soo dhoweynaynaa Ra’iisul wasaaraha waana ku mahad sanyahay booqashadiisa’’ ayuu yiri Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa dhankiisa Madaxweynaha Puntland iyo masuuliyiinta kale ee Dawladda uga mahad celiyey soodhoweyntooda, siidoo kale Ra’iisul wasaaruhu waxa uu ka warbixiy waxa  uu daaranyahay Socdaalka uu ku yimi Puntland.

“waxaan mahad balaadhan u jeedinaya Madaxweynaha Dawladda Puntland iyo masuuliyiintii kale ee nasoo dhoweeyey aniga iyo wefdigayga, waxaan halkan u nimaadnay arrimaha doorashada saan lawada soconona waxaa lagu jiraa xili ay doorashadu gebogebo ku jirto wuxuuna socdaal kayagani salka ku hayey sidii aan u dardargelin halayn dhamaystirka doorashooyinka iyo inaanu madaxweynaha ka wada hadalo sidii ay doorasha inta hadhay loo waajihi lahaa, sidoo kale waxaan lasoconaah in abaar xumi dalka ka jirto illaahay abaarta haynaga saaro, insha allah waxaan baaq ku saabsan Abaarta oo wada jira wada qaban doonaah Madaxweynaha oo aan kula hadlayno beesha caalamka  iyo cid walba oo gacan ka gaysan karta gurmadka loo fidinaayo dadka abaaruhu saameeyen ”ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake.

Ugu danbayn Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa illahay uga baryey inuu ummada diisa ka saaro abaarta uguna bedelo Raxmadiisa.

img_8532 img_8534 img_8539 img_8544 img_8545 img_8551 img_8553 img_8560 img_8565 img_8569 img_8571 img_8581 img_8583 img_8587 img_8589 img_8590 img_8593 img_8606 img_8612 img_8617 img_8619 img_8625 img_8628 img_8633 img_8637 img_8641 img_8652 img_8653 img_8655 img_8656

Puntlandes.com

About The Author