Jowhar: Guddiga Doorashada GFHDD ayaa waxba kama jiraan ka soo qaadey doorashadii kursiga beesha Jidle

233-1b410 dec 2016 (Puntlandes) Guddiga Federaalka Hirgelinta Doorashooyinka Dadban (GFHDD) ayaa war-saxaafadeed ka soo saarey doorasho la sheegay in maanta lagu qabtay, Sabti 10 Diseembar 2016, magaalada Jowhar taasoo lagu dooretey Musharax horey dartiis doorashadii Jowhar loo hakiyey kadib markii uu shaqaaqo gacan ka hadal ah sameeyey.

Kursigan oo ay iska lahayd beesha Jidle ayaa waxaa ka taagnaa muran, kaas oo u dhxeeyey Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Maxamed Xasan Nuux iyo Axmed Sheekh Nuur Cirro oo doorasho dhacdey bishii Nofeembar markii uu arkey Wasiirka Ciyaaruhu in laga guuleysanaayo uu rabshad meeshii ka ridey, taas oo sababtey in doorashada dhan maalmo la hakiyo, laguna heshiiyey in kursigaas dib loo dhigo.

Guddiga Doorashada ee Heer Federaal ayaa todobaadkan soo saarey go’aan labada musharaxba looga jojinaayo tartanka, Ugaaska Beesha Jidle laga dalabadey in uu keeno ergooyin cusub.

Arrintaas waxaa waxba kama jiraan ka soo qaadey Guddiga Doorashooyinka ee Hir-shabelle, waxaana ay maanta oo Sabti ah qabteen doorasho boobsiis ah, waxaana kula tartamey Wasiirka Ciyaaraha Nuux iyo gabadh la sheegay in isagu keensadey oo lagu magacaabo Hinda Cabdullaahi, Waxaana guddigi Doorashada ee Hirshabelle ku dhawaaqeen in Wasiir Nuux helay 45cod.

Guddiga Doorashooyinka ee heer Federaal ayaa sheegaya in doorashada Jowhar ka dhacdey Sabtida ay tahay ayaan darro iyo mid aan sharciga waafaqsaneyn.

Hoos ka akhri Warsaxaafadeedka

233-1b5

Puntlandes.com

About The Author