DEG DEG: Xaawo Yuusuf Axmed oo ku Guulaysatay Doorashadii Aqalka Hoose

11 dec 2016 (Puntlandes) Marwo Xaawo Yuusuf Axmed oo ahayd Musharixiinta u tartamayey mid ka mid labada kursi ee Beesha Cumar Maxamuud, oo ay guddiga Doorashadu u asteeyeen Haween kaliya inay ku tartami karaan, ayaa ku guulaysatay codod gaaraya 40cod.

226-3-1

Xildhibaanad Xaawo Yuusuf Axmed ayaa waxaa la tartamayey Gabdhaha kala ah, iyagoona kala helay Cododka:

  1. Xaawo Yuusuf Axmed oo heshay 40 cod
  2. Faadumo Cabdi Maxamuud oo heshay 11 cod
  3. Naciimo Maxamuud Maxamed oo heshay 0 cod

Sidaas ayey Guushu ku raacday Xildhibaanad Xaawo Yuusuf Axmed oo ku Guulaysatay inay ka mid noqoto Aqalka Hoose, iyadoo u matalaysa Beesha Cumar Maxamuud

Dhawaan kala soco warbaahinta Puntlandes Xildhibaanda cusub ee maanta la Doortay iyo Beelahooda

Puntlandes.com

About The Author