Gaalkacyo: Rasaas sababtay dhaawac oo ka dhacday Gaalkacyo

Magaaladda Gaalkacyo oo maamlmahaan ku sugnayd xaaladd daganaansho ah, lagana waday nabadayn meel fiican maraysa, ayaa waxaa maanta la maqlay rasaas ka dhacday koonfurta magaaladda.

Maanta ayaa mar qura waxaa la arkay, rasaas ka imaanaysa koonfurta magaaladda, taas oo lasoo raaciyey laamiga dheer ee magaalada Gaalkacyo.

Rasaastaan ayaa soo gaartay meelaha ay ku badan yihiin dadweynuhu, taas ayaa sababtay in uu dhaawac soo gaaro mid kamid ah shacabkii ka adeeganayey, suuqyada laamiga ee ka ag dhawaa kantaroolka Koonfureed.

Qaar ka mid ah maamulka gobolka oo aanu la xiriirnay ayaa noo sheegtay, waxaase ay maamulku xaqiijiyeen in ay dib u eegi doonaan waxa sababay rasaasayntaas, sidoo kale waxaa ay sheegeen in ay dadaal ugu jiraan sidii loo soo afjari lahaa kala xir xirnaanta magaaladda iyo sidii loo dhamaystiri lahaa hanaanka diyaarinta wada hadalo dhamaystiran.

Lasoco wixii kasoo kordhaimg_6208

About The Author