Saleebaan Maxamuud Xaashi oo ku Guulaysatay Cod Aqlabiyad ah Doorashadii Aqalka Hoose

11 dec 2016 (Puntlandes) Mudane Saleebaan Maxamuud Xaashi oo ka mid ahaa Musharixiinta u tartamayey mid ka mid labada kursi ee Beesha Cumar Maxamuud ayaa ku guulaystay.

233-1b8

Xildhibaan Saleebaan Maxamuud Xaashi ayaa waxaa la tartamayey Musharixiinta kala ah, iyagoona kala helay Cododka

  1. Saleebaan Maxamuud Xaashi oo heshay  40cod
  2. Cabdiqani Cabdi Jaamac (Orhaye)  oo heshay  4 cod
  3. Xasan Cabdiqaadir oo helay 4 Cod
  4. Xuseen Cali maxamed 3
  5. Cabdulaahi C. faarax 0 cod

233-1c

Sidaas ayey Guushu ku raacday Xildhibaan Saleebaan Maxamuud Xaashi oo ku Guulaysatay inuu ka mid noqdo Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo u matalaya Beesha Cumar Maxamuud.

Dhawaan kala soco warbaahinta Puntlandes Xildhibaanda cusub ee maanta la Doortay iyo Beelahooda

Puntlandes.com

About The Author