Akhriso Xil. Aqalka Hoose Puntland ee manta la Doortay & Beelaha ay kasoo jeedaan

10 dec 2016 (Puntlandes)  Caasimada Puntland ee Garowe ayaa saaka waxaa dib uga bilowday Doorashada Xubnaha Aqalka Hoose ee Puntland u matalaya Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

230-2a8

Waxaana lagu doortay 11 xildhibaan oo Aqalka Hoose ka tirsan, iyadoo mid ka mid ah uu Buuxiyey Kursigii uu ka geeryooday AUN Daahir Xaaji Geele.

Xildhibaanada manta soo baxay waxaa kamid ah:

32-Saleebaan Maxamuud Xaashi oo helay 40 cod: Beesha Cumar Maxamuud/Majerteen

31-Cabdilaahi bidhaan warsame oo helay 32 cod: Beesha Naalaye Axmed/Dhulbahante

30-Maxamed Cabdi kaafi maxamed oo helay 45 cod: Beesha Carab Saalax

29- Xaawo Yuusuf Axmed oo heshay 40 cod: Beesha Cumar Maxamuud/Majerteen

28- Maxamuud Axmed Ciise Maas oo helay 37 cod: Beesha Cismaan Maxamuud/Majeerteen
27-Saadiq Warfaa oo helay 29cod: Beesha Maxamed Muumin/Laylkase

26-Sharmaake Gaarad Suleymaan oo helay 50-cod: Beesha Yaxye Cabdalle /Dhulbahante

25-Sacdiya Samatar oo heshay 49cod: Beesha Carab Saalax

24-Cabdirashiid Gaboobe oo helay 27-cod: Beesha Maxamed Xasan/Laylkase

23-Daahir Maxamed Muuse oo helay 36-cod: Beesha reer Xirsi muumin/Laylkase

22-Maxamed C/laahi Faarax oo helay 49-cod . (Kurisigii uu ka Geeryooday Daahir Xaaji Geele): Beesha Dubeys

Puntland ayaa waxaa laga soo Dooranayey 37 Xildhibaan waxana ilaa hada la Doortay 32 Xunbood iyadoo ay harsan tahay 5 Xubnood oo kaliya.

Puntlanders.com

About The Author