Cabdi Qaybdiid oo Hub u doontay Xamar isagoo qorshaynaya in uu dagaal ka huriyo Gobolka Mudug

Gaalkacyo (Pes) Hogaamiye Xaafadeedka Baraxleey ee koonfurta magaalada Gaalkacyo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, ayaa qorshaynaya in uu dagaal ka huriyo Gobolka Mudug ee Puntland. Qaybdiid ayaa abaabul dagaal u tagay magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb iyo Tuulooyin hoos yimaada degaanadaas. Isagoo aruurinaya Hub, Ciidan iyo dhaqaale uu ku huriyo dagaal ka dhaca Gobolka Mudug.

 

Mar uu la hadlayey shalay dad uu abaabulayey magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa hadaladiisa ka mid ahaa ”Dekadii Bosaso ee ummadda Somaliyed lahayd ma in nalagu furfuraa….Maxay Boosaaso uga duwan tahay dalka intiisa kale in dad gaar ah maamulo Dekeda Bosaso tan Xamar na ay dadka ka dhaxayso…..DFS waa in ay la wareegtaa dekeda Bosaso”

 

Qaybdiid ayaa maanta waxa uu dib ugu noqday magaalada Xamar isagoo kooxda xasan Culusoow u doontay Hub iyo dhaqaale uu doonayo in uu Gobolka Mudug dagaal uga huriyo ka dibna uu uga sii gudbo Dekeda Bosaso.

 

Waxaa wax laga xumaado ah in Qaybdiid wali dagaal u ooman yahay isagoo ay ku maqan tahay dad aad u fara badan oo uu garantiisa ku laayey 1991 kii. Meelaha uu dadka ku Xasuuqay waxaa ka mid ah Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug oo uu mar labaad hada u soo qalab qaadanayo Cabdi Qaybdiid

 

Halkan ka dhagayso Dagaal huriye Qaybdiid

Ku Dhagayso MP3

Puntlandes.com

 

About The Author