Qabaa,ilada ay ka soo jeedaan Agaasimayaasha uu Magacaabay M.weyne Gaas

Ka dib baaritaan iyo dabo gal aanu sameeyney ayaa waxaan helnay magacyada iyo qabaa,ilka ay kasoo jeedaan 13 Agaasime guud oo uu u magacaabay Wasaaradaha Dowlada Puntland maanta oo Arbaco 08 October 2014 Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali “Gaas”

389

Waxayna kala yihiin Magacyada , Xilalka iyo Qabaa,ilka ay kasoo jeedaan Agaasimayaasha guud ee maanta uu soo magacaabay Madaxweynaha Dowlada Puntland Sidatan hoose :-

Muno Daahir Dalmar Agaasimayaha Guud Wasaarada Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Qabiilka Warsangali .

Rooble Faarax Ciise Agaasimaha Guud Wasaarada Garoomaha iyo Duulista HawadaQabiilka Cumar Maxamuud Jifida Reer Xirsi.

Ibraahim Xareed Cali Agaasimaha Guud Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Qabiilka Siwaaq roon Jifida Aadan Cabdiraxiin.

Maxamed Cabdulqaadir Cismaan Agaasimaha Guud Wasaarada Xanaanada Xoolaha Magaca Qabiilka Cali Saleebaan Jifida Ismaa,iil Cali, Waxaa Abti u ah Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland

Yaasiin Cali Yuusuf Agaasimaha Guud Wasaarada Kaluumaysiga iyo Kheyraadka Badda Qabiilka Cismaan Maxamuud Jifida Muuse Suldaan wuxuuna ka yimid Dalka Australia gaar ahaan Melbourne.

Cabdirasaaq Maxamed Cali “Bog-cad” Agaasimaha guud Wasaarada Deegaanka iyo Duur-joogta Qabiilka Cismaan Maxamuud Jifida Is-xul.

Maxamed Cali Faarax Agaasimaha guud Wasaarada Arrimaha Gudaha , Dowladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga Qabiilka Ciise Maxamuud Jifida Abokor Ciise

Kayse Cabdi Cali Shire Agaasimaha Guud Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sarre Qabiilka Ugaaryahan Jifidda Wacays Cabdulle.

Cabdikhadar Muuse Guure Agaasimaha Guud Wasaarada Amniga qeybta Amniga ‘Qabiilka Ciise Maxamuud Jifida Muuse Ciise

Cabdirisaaq Maxamed Xasan Agaasimaha Guud Wasaarada Amniga Qeybta DDR-taQabiilka Cumar Maxamuud Jifida Reer Khalaf.

Daahir Maxamed Muuse Agaasimaha guud Wasaarada Ganacsiga Qeybta GanacsigaQabiilka Leelkase Reer Judhe

Cabdirasaaq Yuusuf Shire Agaasimaha Guud Wasaarada Ganacsiga Qeybta Warshadaha Qabiilka Warsan-gali Dubays

Maxamed Ismaa,iil Siciid Agaasimaha Guud Wasaarada Warfaafinta iyo Hidaha iyo Dhaqanka Qabiilka ……. Puntlandes dib ayay kasoo sheegi doontaa

 

Xigasho: Puntlandnow.com

Daabacaad Puntlndes.com

About The Author