Sawiro : Shir balaaran oo looga hadlayo wadashaqaynta Degmooyinka iyo Gobolka oo maanta Caluula Ka furmay

Magaalo madaxda Gobolka Gardafuu ee Caluula , waxaa maanta ka furmay
shir ballaran looga hadlayo caqabadaha hortaagan qorshayaasha
horumarinta gobolka iyo sidoo kale isku xirka iyo wadashaqaynta
degmooyinka iyo gobolka iyo xaalada amniga guud ee Gobolka ka jira

Shirkan oo socon doona muddo 3 maalmood ah ayaa waxaa ka soo qayb
galay Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu mudane Maxamuud axmed caynab Gubsul
, Gudoomiyaasha iyo xoghayayaasha degmooyinka Caluula, Baargaal iyo
Bareeda xildhibaan mustafe bile oo katirsan barlamaanka Puntland ,
isuduwaha wasaarada Arimaha Gudaha iyo horumarinta miyiga ee Gobolka
Gardafuu C/qaadir Caato , isuduwaha wasaarada dekedaha iyo la
dagaalanka burcadbadeeda , taliye ku xigeenka laanta cashuuraha, iyo
taliyaha qaybta iyo masuuliyiin kale

gudoomiyaha Gobolka Gardafuu mudane Maxamuud axmed caynab Gubsul oo
furitaanka shirka hadal ka jeediyay ayaa faahfaahin ka bixyay u
jeedadda shirkaasi iyo waxyaabaha lagu gorfayn doono asagoo tilmaamay
ajindayaal ay kamdi yihiin

1-Warbixin guud iyo xog is dhaafsi degmooyinka iyo gobolka
2-Xaaladda amni ee degma walba ka jirta
3-Xaaladda abaaraha
4-Tayaynta maamulka, xiriirka iyo wadashayqaynta

gudoomiyaha oo arintaas ka hadlaya ayaa sheegay inay muhiim tahay in
si fiican laysula jaan-qaado lana dajiyo qorshayaasha horumarinta
gobolka

intaasi kadib waxaa warbixino ku saabsan xaaladaha degmooyinka iyo
caqabadaha ka jira laga dhagaystay gudoomiyayaasha degmooyinka ka soo
qaybgalay shirka ,

shirkan maantay ka furmay magaala madaxda gobolka gardafuu ee Caluula
ayaa ah shirkii ugu horeeyay oo nociisa oo kale ah oo ay isu yimaadaan
gudoomiyayaasha iyo masuuliyiinta degmooyinka tan iyo markii lagu
dhawaaqay gobolka gardafuu saddex sano ka hor
233-2a1

233-2a2

233-2a3

233-2a4

233-2a5

233-2a6
Puntlandes.com

About The Author