Gaalkacyo: Barakacayaal Lacag ugu deeqay Abaaraha Gobolka Mudug (Sawirro)

Gudiga xerada barakacayaashe iyo deegaanka ee Halabooqad, ayaa maanata waxaa uu So.Sh. 9,000,000 (Sagaal milyan) ugu deeqay dadka ay abaartu saamaysay ee Gobolka Mudug.

Lacagtaan ayuu ku wareejiyey gurmadka dhalinyarad ee Abaaraha Gobolka Mudug, kulanka lagu wareejinayey ayaa waxaa Goob joog ka ahaa Duqa dagmada Gaalkacyo Maxamed Yuusuf Tumay, gudoomiyaha Dhalinyarada Jacfar Yusuf Cabdalla iyo xubno ka tirsan gudiga dhalinyarad ee gurmadka abaaraha Gobolka Mudug.
Gudoomiyaha Barakacayaasha iyo Deegaanka Halabooqad C/lahi Maxamed Xuseen (Cirfe) ayaa sheegay in ay dadkaani u badan yihiin dada danyar ah, balse ay ogyihiin  in ay jiraan dad kasii liita ayaga, oo ay dadkaas u danqanayaan.
Deeqdaani maahan tii ugu horaysay ee ay xeradaan barakacayaashu ku deeqdo, sanadkii 2011 ayey ahayd markii ay Gobolka Gedo ugu deeqeen $2,500 (laba kun iyo shanboqol), Mara kaneecoonyin,Dhar, Raashin iyo Maacuun, waxaana uu sheegay in sanadkaan ay jeclaayeen in ay intaas ka badiyaan balse ay jiraan barakacayaal xoolihii dhaafeen oo soodul dagay iyo Abaarta oo iyagana saamaysay.
Duqa dagmada iyo gudoomiyaha Dhalinyarad ayaa aad ugu mahad celiyey, sheegayna in ay taariikhdu xusi doonto, in iyaga oo barakacayaal ah in ay u gar gaaraan walaalahood ka liita, waxaana ay tusaale u noqonayaan dadka xoolaha ahysta iyo kuwa danyartaa.
Sawirro.
dsc04437 dsc04441 dsc04445 dsc04454 dsc04456 dsc04469 dsc04478 dsc04482

About The Author