Gaalkacyo: Iskuulka Salaama oo kaalmadii ugu balaarnayd ku wareejiyeye Gurmadka dhalinyarad Gobolka Mudug (Sawirro+Warbixin).

Maamulka Gobolka Mudug, wasaaradda wax barashada gobolka Mdug, Gudiga abaaraha ee heer Puntland iyo Dhalinyarad Gurmadka abaaraha Gobolka Mudug, ayaa maanata ka qayb galay xaflada ay qabteen amaamulka iyo Ardayda Iskuulka Hoose Dhexe ee Salaama.

Maamulka iyo Ardayda dugsiga hoose dhexe ee Salaama, ayaa waxaa ay deeqku wareejiyeen dhalinyarad Gurmadka abaaraha Gobolka Mudug, deeqadaan oo isugu jirta Lacag, Raashinka Qaybihiisa kala gadisan, iyo Dahar, waxaana iska soo aruuriyey Ardayda iyo macalimiinta Iskuulka, waxaana ay ugu tala galeen walaalahooda Dhibaataysa ee abaartu halakaysay.

Dhaqaalaha uu iskuulku ku deeqay ayaa ah, So.sh. 34,680,000 (Sodon iyo afarmalyan Lixboqol iyo Sideetan Kun), waxaa kale oo ay keeneen Hal Bundad (Jawaan weyn) oo Dhar ah, Sidoo kale waxaa ay kusoo  dareen Raashin badan, Caano, Saliid iyo adeegyo guriga Looga baahan yahay.

Dhamaan kasoo qayb galayaashii kulankaan aya waxaa ay u duceeyeen Walidiintii iyo ardaydii la baxday sadaqadaan oo kusoo aaday markii loogu baahi badnaa.

Maxamed Yusuf Jamac tigay, gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug, hadana ka mid ah gudiga abaaraha Puntland, ayaa Iskuulka ku amaanay, in Xiligii uu gudoomiyaha ahaana ay iskuulka koowaad ka ahaayeen taageerada Walaalahooda abaarauhu saameeyeen, markaas ay ka taagnayd Gobolka Gedo.

Sawirro.

img_5011 img_5018 img_5022 img_5025 img_5040 img_5066 img_5079 img_5095 img_5110 img_5141 img_5194 img_5223 img_5233 img_5244 img_5267 img_5276 img_5286

About The Author