Roobab Lagu Diirsaday Oo Ka Day Magaalada Boosaaso iyo Deegaamo Katirsan G Bari.

December 19 2016 (Puntlandes)-Wararkii ugu dambeeyey ee aan kahelayno magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa sheegaya in halkaasi uu ka da’ay roob lagu diirsaday, oo soo bilowday gelinkii dambe ee xalay.

Dhanka kalena buuraha Galgala iyo deegaamadii shalay ay ku dagaalameen ciidanka Puntland iyo Daacish ayaa waxaa laga soo sheegayaa roobab aad u xoogbadan.

Magaalada Qardho ayaa iyana waxaa laga dareemayaa jawi roobaad, waxaana ka dayey saaka aroortii roob shuux ah iyadoona magaalada ay qariyeen daruuro biyeysan.

About The Author