Labo Ruux Oo Biyo Kula Tageen Deegaan Katirsan Suuj iyo Garmaal.

December 19 2016 (Puntlandes)-Wararka naga soo gaaraya deegaanka Suuj ee xeebaha gobolka Nugaal ayaa sheegaya in laba qof oo reer guuraa ah ay biyo kula tageen halka lagu magacaabo Xoor oo qiyaastii 2KM u jirta Togga Suuj.

Dadka deegaanka oo lahadlay warbaahinta ayaa waxa ay sheegeen in dadka biyuhu qaadeen ay kamid ahaayeen qoys reer guuraa ah oo deganaa meel biyo mareen ah.

Qoyska ayaa waxaa kusoo rogmaday daad xoogan oo kadhashay roobab saacadihii ugu dambeeyey ka da’ayey deegaamada buuraleeyda ah ee ku hareeraysan Suuj, sida dadka deegaanku u sheegeen warbaahinta.

Dhanka kalena HADMA ayaa waxa ay sheegtay in 24-ka saac ee soo socota ay qiimayn ballaaran ku samayn doonto xaaladda roobka, saamaynta uu geysto iyo haddii khasaare uu kadhashay, ayna dirtay kooxo qiimayn kusoo samayn doona.

About The Author