Dhagayso: Taliyaha Ciidammada Booliska Puntland Jen Erag oo Mamnuucay isticmaalka Bacaha madow ee Baabuurta

19 dec 2016 (Puntlandes) Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen.C/qaadir Shire Faarax (Erag) oo Maanta Shir Jaraa’id ku qabtey Taliska Ciidamada Booliska Puntland ee Garowe ayaa Mamnuucay isticmaalka Bacaha Madow ee Muraayadaha Baabuurta  lagu dhajiyo.

233-3a8

Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen.Erag ayaa sheegay in Bacaha madow ee lo isticmaalo Muraayadaha Gadiidka lo ogolyahay  Madaxweynaha Puntland,Ku Xigeenkisa, Gudoomiyaha Barlmaanka iyo labadiisa ku xigeen oo kaliya,wixii intaas ka so hara ay Ciidamada Boolisku amar u qabaan inay ka fiiqaan,Mar ka labaadna ay sharciga horgeeyan.

“Anigoo tixraacaya Digreeto 13-7-2014-kii ka so baxday Madaxweynaha Puntland waxaan Maanta si rasmi ah u mamnuucay Isticmaalka Bacaha madow ee Gaadiidka,waxaana sharcigu u ogalyahay inay isticmaalan Madaxda Sare iyo ku xigeenadooda oo kaliya,wixii intaas ka so hara istcmaalkoodu waa sharci daro waana in laga fiiqa”.

Sidoo kale, Jen.Erag ayaa ku tilmaamay sababta ay u mamnuucen isticmaalka bacaha madow in ay tahay iyadoo ay ku dhuuntaan danbilyaasha iyo kuwa dulmiga ka gaysta deegaanada Puntland,kuwaaso ula baxay bacaha madow Booliska iga qari,taaso Amni Puntland Khatar ku ah ayuu yiri Jen.Erag:-

“Waa ogtihiin in Bacaha madow ay noqdeen meel danbiilayaasha dhagar-qabayaash ah uga dhuuntaan Booliska,iyagoo dhibaateynaya Shacabka Puntland,ma ogaaldoono in la isticmaalo wax amniga dalka wax u dhimi-kara,waana sababta aan u mamnuucay Maanta,una bilaabayno Howl-gallka aan kula dagaalamayno”.

Dhinaca kale,Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen.C/qaadir Shire Faarax (Erag) ayaa Xusey in Cidii amarkan u hogaasamiweyda Mas’uul iyo shacab la horkeenidoona sharciga  ayna mutaysandoonan Ganaax iyo wixii kale oo u sharcigu ku xukumo.

“Mar kale ayaan ku celinayaa waa in Amaawiirtan madax iyo shacab’ba lo hogaasama,cidii ay ugu dhagantahay hadda ha iska fiiqeen,cidii ku fakaraysa ha ka waantooban ogaada ma,ahan in intaan Maalmo wadno aanan iska dhaafi-doono Dagaalkii suuj,garmaal iyo Garacad oo kale ayaan Mabacaha madow ku qaadidoona waan la dabar jaridoona.”.

Ugu Danbaytii Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland Jen.C/qaadir Shire Faarax (Erag) ayaa sheegay in cidii Shacabka ka mid ah oo  warbixin Amniga ku saabsan booliska la wadaagta la galindoona warixintiisa gacan amni ah,isla markaana aysan waxba uga imaadoonin ,lana abaalmarindoono.isagoona Xusay in isku xirka shacabka iyo Boolisku meel fiican marayo.

DHEGEYSO


Puntlandes.com

About The Author