Daawo Video: Agaasime Iska casilay Wasaarada Ganacsiga Puntland

Ku simihii Agaasimaha guud Wasaarada Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Ahaana Agaasimaha Waaxda maamulka Wasaarada ayaa maanta shir jaraa,iid oo uu ku qabtay magaalada Garowe ku shaaciyey inuu iska casilay gabi ahaan-ba shaqadii wasaarada.

Maxamuud Yuusuf Nuur “Sharlaawe” oo ahaa Agaasimaha waaxda maamulka wasaarada Ku sime Agaasime guudna sheegey inuu ahaa waxa uu sheegey ka dib markii uu tirsaday cadaalad daro ku salaysan qaabka dalacsiinta iyo fursad u helida Puntland inuu go,aansaday inuu isaga tago shaqada .

Waxa uu sheegey inuu kasoo shaqeynayay wasaarada muddo ku siman 15 sanadood , islamarkaana ay jireen balamo looga baxay, kuwaas oo uu sheegey inay u dhexeeyeen Madaxda Xukuumada iyo Wasiirka wasaarada.

Mr Sharlaawe waxa uu intaas ku darey inuu dib ugu soo laaban doono shaqo dowladeed maalinta la gaarsiiyo Puntland nidaamka ku salaysan xisbiyo iyo hanaan dimuqraadiyadeed balse inta ka horaysa uu ka mid noqon doono shacabka, uuna doonayo inuu u madax banaanaado afkaartiisa.

Daawo Shirka Jaraa,iid Sharlaawe

Puntlandes.com

About The Author