Beesha Caalamka oo baaq u dirtey Madasha Wadatashiga Qaran

21 dec 2016 (Puntlandes) Beesha Caalamka ayaa maanta waxay soo wadasaareen Qoraal ah baaq ay u direen Madaxda Madasha Hogaamiyaasha Qaranaka oo shir muddo dheer qaatay uu uga socda magaalada Muqdisho.

beesha_caalamka_taageero_shirka_cadaado_hol

Qoraal ayey Beesha Caalamku waxay ka dalbadeen Hoggaamiyaasha Madasha Qaran in ay qabtaan doorasho ku fadhida daah furnaan, La-xisaabtan iyo sharci.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay inay si dhow ula socdeen howsha Guddiga Madaxa banaan ee Xalinta Khilaafaadka, iyo toosh ku iftiiminta wararka la xariira in wax isdaba marin qatar ah oo dhacdey intii lagu guda jirey hanaanka doorashada, sida iyadoo la sameeyey musuqmaasuq, Cabsi galin, Afduub, iyo iyadoo lagu tagri-faley ergada lasoo qorey laguna guul dareystey in loo hoggaansamo sidii loo baahnaa in loo raaco hanaanka qoondada kuraasta dumarka.

Beesha Caalamka ayaa codsanaysa in sharaxaad laga bixiyo sida 24 kursi oo markii hore la galiyey in dib u eegis lagu sameeyo ay Guddiga Xalinta Khilaafaadka ugu soo koobeen oo kaliya 11.

Beesha Caalamka ayaa hoosta ka xariiqdey in Guddiga Xalinta Khilaafaadka ay mas’uul ka yihiin in ay banaanka soo dhigto Xaqiiqda ku dahaaran iyo sida looga saarey kuraasta qaarkood, qaarkoodna looga diidey liiska dib ugu celinta doorashada.

Xubnaha Beesha caalamka waxaa kale oo ay xaqiijiyeen hoggaamiyaasha Madasha Qaran iyo Guddiga Xalinta Qaliifaadka in Aragtida, iyo qotada kala aragti duwaanshiyahooda aanan la daah-rogin ay noqonayaan kuwa Saldhig u noqda go’aanka gaarista natjiiada doorashada ee waxba kama jiraan lagu tilmaamey ee dib loogu noqonayo.

Puntlandes.com

About The Author