Dhagayso: Taliska Booliiska Somalia oo Shaqadiisa ku xadgudbay si cadna u taageeray Musharax Xasan Sheekh

21 dec 2016 (Puntlandes) Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa si ka baxsan shaqadiisa oo Ceeb ku ah Xilka uu hayo ugu biiray ololaha doorashada Musharax Xasan Sheekh, kadib markuu si cad ugu Ololeeyey in la Doorto Musharax Xasan Sheekh.
233-3c6
Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya Jen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, ayaa goob fagaaro ah ka sheegay inay jiraan Saraakiil Bilays ah oo ku jira labada Aqal ee Barlamanka waddanka kuwaasoo codadkooda uu ku tashan doono madaxweyne Xasan.

Xaamud ayaa shhegay inuu Codkooda ku tashto Musharax Xasan Sheekg Mudanayaasha kala ah:

  • Cabdi Qaybdiid
  • Shariif Sheekhuna Maye
  • Maxa’ed Ibraahim Cabdi Daayeeshe

Waa su’aale sidee ayuu ula shaqaynayaa Taliyaha ciidamada Booliiska Soomaaliya Jen Maxamed Sheekh Xasan Xaamud haddii uu Doorashada madaxweynaha ku soo baxo Musharax kale oo aan ahayn Xasan sheekh?

Soow inay u siman yihiin Musharixiintu ma ahayn?

Dhagayso Taliye Xaamud


Puntlandes.com

About The Author