Fayraskii lidka ku ahaa Australian Puntland Diaspora oo soo gaaray Melbourne, Australia

Waxaa maalmahan la isla dhexmarayey in Gole kale oo laga dhinac furayo Golaha matala Qurba-joogta reer Puntland (Australian Puntland Diaspora Forum Inc).

Dadkan dabada ka riixaya urur kale inay furtaan waxay u qaybsamaan saddex qollo oo is-bahaystay ujeedkooduna yahay in la xagal daaciyo habsami u-socodka howlaha Golahaha iyo hawlaha samafalka ah ee Golahu u qabto bulshada Reer Puntland.

  1. Kooxda 1aad waa shaqsiyaad jeclaan lahaa in Goluhu gacantooda galo meeshay doonaana u jeheeyaan wallow aanay lahayn khibrada iyo kartida Golahu u baahan yahay in lagu maamulo.
  2. Kooxda 2aad waa koox uu aad u saameeyey fayraska qabiilka kuwaas oo dadaal ugu jira inay hab qabiilaysan iskaga horkeenaan xubnaha qurbajoogta Reer Puntland. Dhaqdhaqaani qabiilaysani waa mid dibada laga soo dhoofiyey.
  3. Kooxda 3aad waa koox iyagu doonaya inay gadaasha ka maamulaan Golaha una badan koox dawlada mucaarad ku ah una arka in Golahani uu yahay mid si gaara gacansaar ula leh xukuumada Puntland ka jirta. Aragtidaasi waa mid qaldan goolka Golahakuna waa wax u qabashada bulshada reer Puntland keliya waana mid samafal ah.

 

Si howlahan kala-qaybinta bulshada loo soo afjaro Guddiga Shuurada iyo maamulka Golaha ayaa isku deyey inay arrintaan dhameeyaan si danta guud, iyo sharafta Golaha loo ilaaliyo.  Nasiib daro shakhsiyaadkaas si cad ayay u diideen xal raadintaas odayaasha Bulshada.

 

Guddiga Shuurada oo dusha kala socda maamulka Golaha ee Australian Puntland Diaspora Forum kana kooban aqoonyahano iyo odayaal bulshada dhexdeeda magac iyo maamuus ku leh:-

  1. Waxay dib u eegid iyo is-waafajinta waqtiga ku sameeyeen xeer hoosaadkii Golaha ka dibna way ansixiyeen.
  2. Waxay meelmariyeen diiwaangelinta xubnaha Golaha oo ilaa hadda furan marayana ilaa 300 xubnood in ka badan.
  3. Waxay diyaariyeen goobta doorashada lagu qabanayo waxayna ku dhawaaqeen waqtiga doorashada la qabanayo.
  4. Waxay la kulmeen waraysiyana la yeesheen musharaxiinta tartamaysa.
  5. Waxay xiriiro kala gooni gooni ah la sameeyeen dhamaan qaybaha Bulshada si loo hello doorasho cadaalad ah, xubnaha bulshada oo dhana ku midaysan yihiin.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxaan la soconaa in shaqsi ka mid ah musharixiintii soo gudbistay codsigiisii inuu ka tartamo doorashada uu abaabulay shirar ka dhan ah kan guddiga uuna la galay heshiis gaara kooxaha aan kor ku soo sheegnay isagoo shaqsigaasi adeegsaday wado kasta oo uu ku carlaqadayn karo Doorashada Hogaanka Golaha ee dhacaysa Janaayo 8deeda 2017 isagoo ku dhawaaqay inuu is caleemo saarayo Urur kalena furanayo magaciisa loo ekaysiiyey kan Golaha Australian Puntland Diaspora Forum. Arrintaasi waa mid foolxun oo rasan.

 

Sidaas darteed waxaan uga digaynaa dadka qurbajoogta reer Puntland ee Melbourne inaan lagu qaldin inay ka qaybgelaan is-caleema saarka beenta ah ee uu wado shaqsiga iskiis u doortay inuusan ka qeybgelin doorashada xorta ah ee Golaha. Waxaana qurbojoogta reer Puntland ee Melbourne u sheegaynaa in doorashada xorta ah ee Golaha oo ay aqoonsan tahay Agaasinka Qurbajoogta ee Dowladda Puntland ay tahay tan dhacaysa 8da Janaayo 2017.

 

Waxaan kaloo uga digaynaa Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Melbourne in kasta oo Ururkaas uu soo bandhigay magac u dhow magaca Australian Puntland Diaspora Forum (APDF) inaanu si sharciyan ah u-matalin magaca Golaha qurbajoogta Australian Puntland ee uu sheeganayo. APDF waa Golaha ka jira kana diiwaangashan Consumer Affairs of Victoria, lagana aqoonsan yahay dhamaan qaaradaha adduunka, laguna dhisay talo loo dhan yahay xagga Dowladda Puntland iyo Qurbajoogta Australia iyadoo hadafku ahaa inay talasiiso Dawlada Puntland isla maarkaana kala qaybgasho barnaamijyada horumarinta, waxayna qayb ka tahay dallad qurbajoogta oo ka dhisan dhamaan Wadamada dibadda oo dhan.

 

Gunaanad: Australaian Puntland Diaspora Forum waxaa doorashadeeda la qabanayaa 8da Janaayo 2017 waxaana lagu qabanayaa Hoolka shirarka ee Kensington Town Hall. Doorashadaas waxaa ku tartamaya laba shakhsi oo ka mid ah qurbajoogta reer Puntland ee Melbourne.

 233-3e5

Waxaan ugu baaqaynaa haday jiraan dad aan xog badan ka hayn arrimahan ka socda Doorshada Golaha inay xiriir la soo sameeyaan Gudoomiyaha ku meel gaarka ee Golaha APDF, Mr Ahmed Mohamed Warsame oo telefoonkiisu yahay Mob: 0411 981 796

 

 233-3e8

Waxaa qoraalkaan soo gudbiyey

 Ahmed Mohamed Warsame Mob: 0411 981 796

Guddoomiyaha (KMG) ee Australian Puntland Diaspora Forum Inc

 Abdiweli Hersi Nuur Mob: 0413 102 481

Xubin ka tirsan Guddiga Shuurada ee Australian Puntland Diaspora Forum Inc

About The Author