Golayaasha Barlamaanka Cusub Oo Ladhaarin Doono 27-ka December.

December 25 2016 (Puntlandes)-Xildhibaanada labada aqal ee barlamaanka Soomaaliya ayaa maalinka Talaadada ah ee taariikhdu ku beegan tahay 27-ka December lagu dhaarin doonaa magaalada Muqdisho.

Xoghayaha barlamaanka Cabdikariin Xaaji Cabdi (Buux), ayaa ugu baaqay mudanayaasha cusub ee barlamaanka Soomaaliya inay Talaadada soo socota horay usoo qaataan karaka iyo shahaadooyinkooda cusub ee aqoonsiga.

“Si waafaqsan qodobka 66aad, farqadiisa 1aad ee Dastuurka Federaalka
iyo warqadda ku taariikheysan 19ka December 2016 ee guddiga heer
Federaal doorashooyinka dadban ee 2016 kusoo saaray natiijada
Xildhibaannada ku guulaystay xubinnimada labada aqal ee Baarlamaanka
10aad ee Soomaaliya waxaan ku wargelinaynaa Xildhibaannada
Baarlamaanka in munaasabadda dhaarinta lagu qaban doono xarunta
Akadeemiyada General Kaahiye ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed” ayuu
yiri Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka”.

About The Author