Dhagayso: Barlamaanka JFS oo la horkeenay Xeer hoosaadka Doorashada (Qodobo Xasaasi ah)

27 dec 2016 (Puntlandes) Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee 10aad oo uu maaanta u furmay Kalfadhigiisa 1aad ayaa wuxuu doortay Gudoomiyaha KMG Cusmaan Cilmi Boqore oo ah Xildhibaanka ugu da’da wayn Aqalka Hoose.

233-4b2

Habraaca Doorashada

Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa hor keenay  Habraaca Doorashada, iyadoo uu u akhriyey Xildhibaan Mahad Cawad oo ahaa Gudoomiye Ku xigeenkii labaad ee Baarlamaankii DFS ee waqtigiisa dhamaaday.

Xeer hoosaad ayaa ah mid labada Aqala ee baarlaamku ay waafajinayaan Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya go’aamadii Madasha Hogaamiyayaasha Qaranka, iyagoo soo saaray qodobo badan oo aan waafaqsanayn Dastuurka.

Waxaa xusid mudan inaan lagu soo darin kordhintii aan Dastuurka waafaqsanayn ee ay Madashu kordhisay Tirada Aqalka Sare oo Dastuurku leeyahay waa 54 ayna ku dareen 18ka xubnood.

Xeer hoosaadka Doorashada ayaa loo qaybiyey Xildhibaanda labada Aqal iyagoo ka doodi doona Ansixina doona.

Dhagayso Xeer hoosaadka Doorashada ee Baarlamaanka loo akhriyay


Puntlandes.com

About The Author