Sawirro-Barakacayaasha Garoowe Oo Lagu Wacyigeiyey Xeerka Kufsiga Puntland.

Ururka ay ku midaysan yihiin haweenka qareenada Puntland oo kaashanaya hay’ada UN-Women ayaa magaalada Garoowe tababar wacyigelin ah ugu qabtay in kabadan 120 kamid ah dadka kunool Kaamamka barakacayaasha.

Tababarkaani oo socdey mudo labo cisho ah ayaa waxaa u jeedkiisu ahaa sidii dadka barakacayaasha ah loo gaarsiin lahaa xeerka Kufsiga Puntland ee dhowaan lameel mariyey.

Mudadii uu socdey tababarkaasi ayaa waxaa ka faa’iidaystay dad isugu jirey haween, dhalinyaro iyo odaal, kuwaasi oo sheegay inaysan horay wax xog ah uga haysan xeerka kufsiga Puntland.

Dhinacyadii ka qaybgalay kulamada wacyigelinta ah ayaa soo dhoweeyey dedaalka ay ururka qareemada haweenka Puntland bulshada ku gaarsiinayaan xeerka kufsiga, waxaana ay codsadeen in ladhaqan geliyo.

SAWIRRO

img-20161228-wa0048

img-20161228-wa0040 img-20161228-wa0041 img-20161228-wa0042 img-20161228-wa0045 img-20161228-wa0046 img-20161228-wa0047 img-20161228-wa0048

About The Author