Daawo Muuqaalo: Heestii Daneyste Xassan Sheekh “Duqlaadkii Xasanow naga dhamaayey lagu Doon mayee mar kale ha nagu soo noqon”

6 jan 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha ee muddo xileedkiisu dhamaaday ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo hadana mar labaad isku soo sharaxay xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa uu halhayska Ololihiisa ka dhigtay “QOBYO NINKEEDA AYAA DHAMAYSTINA” isagoo ula jeeda waxaan 4 sanno iyo bilo ku qaban waayey ayaan qaban doonaaye i doorta.

233-4a8

Xasan Sheekh waxaa wadaytaa oo ay la tahay inay madaxweyne uga dhigi karto ummadda Soomaaliyeed dawlada Ethiopia oo caadaysatay Cadowtinimada ummadda Soomaaliyeed, iyadoo danaheeda ah inaysan Soomaaliya dawlad noqon ka heshay Xasan Sheekh.

dawlada Ethiopia waxay kaloo Gudoomiya Baarlamaanka ay doonaysaa inay ka dhigto Cabdirashiid Xidig, halka ay kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka u rabto Faarax Cabdulqaadir iyo Raysul Wasaaraha Soomaaliya Shariif Xassan.

Gudoonka Baarlaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya, nasiib wanaag Ethiopia ma dooranayso ee waxaa dooranaya Xildhibaanada sharafta leh ee Soomaaliya, wayna ka dharagsan yihiin inaysan Xasan Sheekh iyo raga kale ee ay Ethiopia wadato aysan dalkan Hogaamin karin kana soo saari karin Mugdigii dheeraa ee ay geliyeen Xasan iyo Kooxdiisu 2012-2016kii.

Hadaba Warbaahinta Puntlandes waxay ummadda Soomaaliyeed mar kale usoo gudbinaysaa Heestii Daneyste Xassan Sheekh “Duqlaadkii Xasanow naga dhamaayey lagu Doon mayee mar kale ha nagu soo noqon”

Daawo Heesta

Halkana ka daawo Xasan Sheekh oo qiranaya FASHILKA soo wajahay maamulkiisa (DAAW FADLAN ninkaas ayaa doonaya in uu Soomaaliya mar kale madaxweyne ka noqdo)

Puntlandes.com

About The Author