Xildhibaan Cabdi Xaashi oo ka mid noqday xildhibaanada Aqalka Sare u matalaya Somaliland

8 jan 2017 (Puntlandes) Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdulaahi oo muddooyinkii ugu dambeeyay ka mid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maanta loo doortay xildhibaan ka tirsan Aqalka Sare u matalaya Soamliland.

233-6b10

Xildhibaan Cabdi Xaashi waxaa la tartamayay Musharax xildhibaan Maxamuud Jirde Xuseen, balse Cabsi Xaashi ayaa kusoo baxay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Muqdisho.

Guddiga doorashada xubnaha aqalka sare ee gobolladda waqooyi ayaa sheegay in Xildhibaan Cabdi Xaashi Cabdullaahi uu helay 29 cod, sidaasina uu ku guuleystay.

Cabdi Xaashi ayaa noqonaya xildhibaankii ugu horeeyay ee kasoo jeeda goboladda waqooyi oo loo doortaa aqalka sare.

Doorashada xildhibaanada aqalka sare u matalaya Somaliland ayaa ka socota magaalada Muqdisho.

Halkan ka akhriso Musharixiinta ku tartamaya maanta Aqalka Sare  u matalaya Soamliland.

233-6b8

Puntlandes.com

About The Author