Dhagayso: Madaxweyne Gaas oo ka Warramay Xaaladda Qandala

9 jan 2017 (Puntlandes) Wafdi ballaaran oo uu hogaminayo madaxweynaha dawlada Puntland Dr Cabdweli Maxamad Cali Gaas ayaa galabta gaaray degmada Qandala ee Gobolka Bari.
img_9267
Dhawaan ayaa Ciidamada Puntland waxay degmada Qandala kala wareegeen maleeshiyo sheegatay inay ka tirsan yihiin ururka Daacish.

Madaxwynaha Puntland Dr Gaas ayaa safar dhinaca Badda ah oo qaatay ku tagay magaalada, si uu u soo eego xaaladda magaalada kulamana uu ula yeesho saraakiisha Ciidamada.

Dhanka kale Madaxwynaha Puntland Dr Gaas ayaa ka hadlay Amniga magaalada Bosaso iyo dilalkii dhawaan ka dhacay magaalada oo lala beegtay Saraakiil ka tirsom dawlada Puntland.

Dhagayso VOA oo waraysatay Madaxwynaha Puntland Dr Gaas


Puntlandes.com

About The Author