Madaxweynaha Puntland oo tagay magaalada Qandala ee gobolka Bari

9 jan 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha maamulka Puntland Dr Cabdiwalli Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa tagay degmada Qandala ee gobolka Bari, oo lagala wareegay kooxda Daacish.

gaas1-764160

Madaxwynaha ayaa ku socdaalay safar dhinaca badda ah, kaasi oo qaatay in ka badan seddex saac.

Wafdiga madaxweynaha Puntland oo ay kamid ahaayeen xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Puntland ayaa safarkooda wuxuu ahaa mid si weyn loo hadal hayay labadii maalin ee lasoo dhaafay.

Safarka madaxweynaha Puntland ee degmada Qandala ayaa ah mid uu ugu kuur galayo xaaladda degmada, maadama dhawaan degmadaasi ay Puntland dib ugala wareegtay maleeshiyo taabacsan ururka Daacish.

Dr. Gaas ayaa la kulmi doona inta uu ku sugan yahay degmada Qandala saraakiisha ciidanka ee ku sugan degmadaasi.

About The Author