Daawo Video-Sawirro: Qurba Joogta Reer Puntland ee Australia oo Gudoomiye u Doortay mudane Maslax Dahir Gure

09 jan 2017 (Puntlandes) 8 jan 2017 ayaa Doorasho ka dhacday Kensington Town Hall ee magaalada Melbourne eedalka Australia waxay Qurba-joogta reer Puntland ee Australia (Australian Puntland Diaspora Forum Inc) Gudoomiye u doorteen Maslax Dahir Gure.

233-6d1

Sawirka kore Gudoomiye Maslax Dahir Gure

Xilka Gudoomiyenimada ayaa waxaa ku tartamay Iiman Cagey iyo Maslax Dahir Guure, iyadoo ay guushiina ay ku raacdey Maslax Dahir Gure.

Jaaliyada Reer Puntland Australia ayaa si wayn usoo dhaweeyey Doorashadaas, iyagoona qaar ay la xiriirtay Warbaahinta Puntlandes ku tilmaamay Gudoomiyaha cusub ninkii ku haboonaa Hogaaminta Qurba-joogta reer Puntland ee Australia waxayna u balan qaadaeen inay si hufan ula shaqayn doonaan.
Daawo Muuqaal Doorashada ku saabsan


Doorashadaan oo ay kasoo qayb galeen dad aad u faro badan loona soo agaasimay si heer sare ah ayaa waxaa lagu tilmaamey mid Taariikhi ah waxaanai Dul joogtada ka mid ahaa Jaaliyada DDIS iyo madaxdooda iyo waliba Xisbiga Xukunka u haya Dowlada Ethiopia.

Iyadoo ay dad aad u badan kasoo gayb galeen ayaa waxaa ka mid ahaa dadkaas Ahmed Mohamed Warsame Guddoomiyaha (KMG) ee Qurba-joogta reer Puntland ee Australia (Australian Puntland Diaspora Forum Inc) iyo Aasaasihii isla markaasna Gudoomiyihii hore Omar M. Farah (Dhollawa).
Daawo sawirrada
1

1a

1aa

1b

1c

2

3

4

5

7

8

9

10

11

12

13

14

15

16
Puntlandes.com

About The Author