Sawirro: Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Safar Bada Ah Ku Taey Degmada Qandala Ee Gobolka Bari

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maalinimadii shalay 09 January  2017 safar bada ah ku tegey degmada qandala ee gobolka Bari iyagoona ka amba baxay magaalada Boosooso.

Madaxweynaha waxaa safarka ku wehelinaayey gudoomiyaha gobolka Bari, masuuliyiin ka tirsan goloyaasha Dawladda Puntland, saraakiisha ciidamada puntland iyo saraakiisha Madaxtooyada Dawladda puntland.

Safar qaatay dhawr saacadood oo ay Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo weftigiisu ku sii jireen xeebta u dhexaysa Magaalada Boosaaso iyo Qandala ugu danbayn waxa ay nabad gelyo ku tageen degmada Qandala, waxaana halkaasi si diiran ugu soo dhoweeyey maamulka degmada, saraashiisha iyo ciidamada ku sugan degmada taarikhiga ah ee Qandalla iyo shacbweyne aad u tiro badan.

Intaasi kadib Madaxweynaha iyo weftiga uu hogaaminayey waxa ay kormeer luga  ku soo mareen goobo taarikhi ah oo ay caan ku tahay degmada Qandala iyo sidoo kale dhismayaasha Dawladda oo ay sharwada yaasha Daacish u geysteen burbur mudadii koobnayd ee ay ku sugnaayeen waxaana ka mida goobahaa ay wax yeelada u geysteen cusbitaalka weyn ee degmada Qandala, dhismaha hooyada iyo dhalaanka, dugsiga hoose dhexe ee degmadaasi iyo sidoo kale Saldhiga ciidanka Booslika, waxaana dhamaantood ka muuqdey burbur aad u weyn oo ay si arxan daro ah ay ugu geysteen dhisma yaashaasi argagixisada Daacish.

Sidoo kale Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa soo dhexmaray suuqa  weyn ee Degmada Qandala waxaana uu wakhti la qaatay bulshada rayidka ah ee ku dhaqan degmadaasi, isagoona ka xog waraystay baahiyahooda iyo wax yeeladii ay ugeysteen cadawgu.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa fiidnimadii waxa uu kulan is xog-waraysi ah la qaatay bulshada Degmada Qandala, waxaana ay ku soo bandhigeen kulanka ciyaar dhaqameed kala duwan oo ay can ku tahay  isla markaana  xiiso gelisey madaxweynaha iyo weftigiisa.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dawladda puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku amaanay ciidamada kala Dawan ee Dawladda Puntland sida hagrasho la’aanta ah ee ay markasta ugu heelan yihiin inay shacbkooda, dhulkooda iyo Dawladoodaba ka difaacdaan cadawga, waxaana uu madaxweynuhu ku booriyey inay markasta dareen gooniya iyo fiira gaara ulahadaan sidii ay isaga cabin lahaayeen ugana cidhib tiri lahaayen argagixisada ku dhuumalaysanaysa dalkooda.

img_2363 img_2374 img_2379 img_2388 img_2401 img_2403 img_2404 img_2416 img_2597 img_2610 img_2619 img_2620 img_2622 img_2623 img_2625 img_2627 img_2634 img_2635 img_2637 img_2638 img_2641 img_2645 img_2647 img_2650 img_2657 img_2677 img_2681 img_2682 img_2689 img_2693 img_2698 img_2703 img_2707 img_2714 img_2719 img_2720 img_2726 img_2730 img_2738 img_2741 img_2754 img_2757 img_2759 img_2761 img_2762 img_2768 img_2770 img_2773 img_2777 img_2778 img_2780 img_2782 img_2786 img_2789 img_2795 img_2797 img_2798 img_2805 img_2814 img_2817 img_2820 img_2825 img_2828 img_2832 img_2833 img_2835 img_2837 img_2839 img_2841 img_2843 img_2844 img_2846 img_2851 img_2855 img_2866 img_2871 img_2889 img_2916 img_2927 img_2931 img_2945 img_2949 img_2951 img_2952 img_2971 img_2975 img_3013 img_3018 img_3025 img_3032 img_3037 img_3042 img_3058 img_3066 img_3070 img_3081 img_3088 img_3094 img_3117 img_3121 img_3131 img_3162 img_3166 img_3189 img_3201 img_3210 img_3223 img_3228 img_3231 img_3250 img_3270 img_3281 img_3292 img_3304 img_3311 img_3315 img_3319 img_3336 img_3346 img_3355 img_3362 img_3366 img_3374 img_3379 img_3382 img_3388 img_3392 img_3416 img_3418 img_3435 img_3444 img_3453 img_3457 img_3458 img_3466 img_3470 img_3472 img_3495

Puntlandes.com

 

About The Author