Shirkadda Somtel oo noqotay shirkaddii ugu horaysay ee Koox maal galisa iyo Ciyaarihii maanta (Warbixin+Sawirro)

Magaaladda Garoowe waxaa ka soconaya horyaalka kooxaha heerka koowaad ee Puntland, waxaana ay isku arkaya 9 kooxood oo ka dhisan gobolada Puntland.

Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa noqotay shirkadda ugu horaysay ee maal galisa Kooxda, ka mid ah kooxaha heerka Koowaad ee Puntland, waxaana maanata garoonka Mira Awaare kasafatay Kooxda Somtel.

Kooxda Somtela ayaa la ciyaaraysay kooxda SBC, waxaana ay labada kooxood soo bandhigeen ciyaar aad u xiiso badan loona wada riyaaqay, habdhismeedka kooxa, kala danbaynta iyo ciyaar wanaaga ayaa ahaa kuwo xiiso badan galiyey taageerayaasha Garoonka soo xaadiray, waxaana y Natiijadu ku dhamaatay 2:0 oo ay guushu ku raacday kooxda SBC.

Dhamaandkii ciyaarta ka diba ayaa waxaa saxaafadda la hadlay, madaxa suuqgaynta shirkadda Somtel ee gobolka Nugaal, waxaana uu sheegay in ujeedka Shirkaddu samaysay kooxdaan ay tahay, in ay dhalinyarada gacan qabato, ayna waxa ay ka hesho wax uga celiso, iyada oo lagaarsiinayo dhinacyada kala Gadisan ee Bulshada.

Madaxda Xiriirka Kubbadda cagta iyo Ciyaar yahanada Kooxda Somtela, ayaa si furan ugu mahad celiyey una soo dhaweeyey sida ay shirkaddu markasta u garab taagan tahay, Dhalinyarad Ciyaarah.

Ciyaartii labaad ayaa dhex martay labada kooxood ee Horseed iyo Bari FC, waxaana ay natiijadeedu ku dhamaatay 2:0 oo ay guushu ku raacday kooxda Horseed ee ciidamada Qalabka sida Puntland.

Daawo Sawirro.

img_4079 img_4093 img_4136 img_4181 img_4189 img_4231 img_4362 img_4541 img_4595 img_4599 img_4604 img_4109 img_4505 img_4561

About The Author