XOG RASMI AH: Faroole oo u Tanaasulaya Musharax Sheekh Shariif

233-6e3

11 jan 2017 (Puntlandes) Xog Rasmi ah oo lagu kalsoon yahay oo ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa ah in madaxweynihii hore ee Puntland iminkana ah Xildhibaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka JFS ka tirsan isla markaasna ah Musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed (Faroole) ay ku kulmi doonaan magaalada Kampala ee caasimada dalka Ugandha Madaxweynihii horre ee DKGS Soomaaliya Musharax Shiekh Shariif Sheikh Axmed.

Faroole ayaa waxaa ku weheliya safarka Wiilkiisa Curadka ah Maxamed Cabdiraxmaan Faroole iyo Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Ducaysane) Agaasimaha la dagaalanka Burcad Baddeedka.

Kulanka labada musharax oo si qarsoodi ah loo agaasimay isla markaasna uu dalbaday Faroole ayaa Warbaahinta Puntlandes waxay ogaatay inuu la xiriiro doorashada Madaxtinimada dalka Soomaaliya gaar ahaan sidii ugu tanaasuli lahaa Faroole musharax Shiikh Shariif Shiikh Axmed, iyadoo Heshiis RASMI ah uu dhex mari doonao labada Musharax.

Heshiiskan ayaa ku soo beegmaya xili uu Faroole dhawaan ka diiday inuu u Tanaasulo Musharax Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke kullan ay ku yeesheen magaalada Garowe ee caasimadda Puntland.

Warbaahinta Puntlandes waxay ogaatay in uu Faroole kula heshiin doono Musaharax Shiikh Shariif:

  1. Inuu haddii uu ku guulaysto Doorashada Shiikh Shariif uu Wiilka Faroole (Maxamed C/raxmaan Faroole) u magacaabo Wasiir
  2. Inuu haddii uu ku guulaysto Doorashada Shiikh Shariif uu Faroole (u magacaabo Safiir

Musaharax Shiikh Shariif waa uu ka aqbalay codsiga Faroole waxa uuna balan qaaday inuu Wiilkiisa ka dhigi doono Wasiir isna Safiir hadduu uu u tanaasulo lana shaqeeyo, iyadoo uu taasna aqbalay Faroole.

Warbaahinta Puntlandes waxay ogaatay in labada Musharax waa Faroole iyo Shiikh Shariif ay suurtogal tahay inay Muqdisho si wadajir ah u wada tagaan kullan Kampala kadib.

Hadafka Musharaxnimada Faroole

233-6e4

Faroole ayaa Musharaxnimadiisu waxay ku salaysnayd oo kaliya inuu Wiilkiisa Maxamed C/raxmaan Faroole uu u helo Wasiir dawlada soo socota isagana Safiir Soomaaliya u fadhya dalalka dibadda maadaama uusan ku noolaan Karin magaalada Muqdisho oo uu ka baqayo inuu ku noolaado.

Puntlandes.com

About The Author