Akhriso Taariikh Nololeedka Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee la doortay Jawaari

11 Jan 2017 (Puntlandes) Xildhibaan Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa loo doortay inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Shacabka (Aqalka Hoose) ee Baarlamanka JF Soomaaliya kadib markuu helay 141 Cod

233-4c9

Jawaari ayaa waxa uu ka adkaaday saddex musharax oo kale oo xilkan kula loolamayey kuwaas oo kala ah xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xiddig, xildhibaan Cabdiftaaax Ibraahim Geeseey iyo xildhibaan Idirs Cabdi Dhakhtar.

Guddoomiyaha KMG ee golaha shacabka Cismaan Cilmi Boqore ayaa sheegay in 259 xildhibaan ay codeysay, islamarkaana laba ka mid ah codadkaasi ay xumaadeen.

257-ka cod ee kale ayaa Jawaari waxa uu helay 141 cod, halka xildhibaan Xiddig oo kaalinta labaad galay uu helay 97 cod. Xildhibaan Cabdifataax Geeseey ayaa helay 17 cod, Idiris Cabdi Dhakhtar waxa uu helay laba cod kaliya, sida uu sheegay boqore.

Jawaari ayaa ahaa guddoomiyaha baarlamanka hore ee Soomaaliya ee intii u dhaxeysay 2012 illaa 2016.

Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxa uu sidoo kale beri qaban doonaa doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo kan labaad, oo musharaxiin aad u tiro badan ay ku loolamayaan.

Hoos ka akhriso taariikh nololeedka Jawaari, ee xafiiskiisa kasoo baxday:

Taariikh Nololeed

Magaca: Muxammad Sheikh Cusmaan Aadam “Jawaari

Goobta iyo Taariikhda Dhalashada: Afgooye, Soomaaliya, Deseembar 07, 1945.

TACLIIN IYO TABABARRO

  • Qalinjebin: Kulliyada Qaanuunka – Jaamacadda Umadda Soomaaliyeed – Moqdisho, Somalia, 1982,
  • Shahaado Macallinnimo, Machadka Macallimiinta (Istatuto Magistrale/aggiornamento magistrale) , Mogadishu, Somalia, 1967.
  • Diploma in Islamic Law, Machad Daraasaad Islaami – Istituto Disciplina Islamica – Mogadishu, Somalia, 1964
  • Shahaado Macaallinimo af Ingiriisiga, UNESCO, Mogadishu, Somalia, 1962LUQADAHA
  • Waxaan ku hadlaa, qoraa akhriyaa afafka: Somaliga (oo Maay & Maxaatiriba leh), Carabiga, Ingiriisiga, Taliyaaniga iyo Norwejiga.

XILALKA IYO SHAQOOYINKA HEER CAALAMI IYO HEER QARAN

  • Senior Consultant Constitution Building: Somalia Constitution Making Support Project – UNPOS/UNDP – May 2008 – December 2011;
  • Guddoomiyaha Guddiga Khubarada (CoE) – Dib-u-eegista Qabyoqoraalka Dastuurka iyo Diyaarinta Dastuurka loo dirayo ansixinta ku-meel-gaarka.

HEER QARAN: XUKUUMADDA SOOMAALIYA: 1971-1990

  • Wasiir: Wasaaradda Gaadiidka Dhulka iyo Cirka.
  • Wasiir: Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada.
  • Wasiir-kuxigeen: Wasaaradda Gaadiidka Dhulka iyo Cirka.
  • Xildhibaan: Xubin Golaha Shacabka. 01/1984 – 05/1990
  • Xoghaye Joogto: Wasaaradda Gaadiidka Dhulka iyo Cirka. 1984-1985
  • Xoghaye Joogto: Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada. 1979-1984
  • Agaasime Guud: Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada. 1975-1979
  • Ku xig. Ag. Guud: Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada. 1973-1974
  • Ag. Waaxda Shaqada: Wasaaradda Shaqada & Arrimaha Bulshada 1974-1975
  • Madaxa Qaybta Baarista shaqada: W/ Shaqada & Arrimaha Bulshada. 1972-1973
  • Isuduwaha Xafiisyada Shaqada Gobollada: W/Garsoorka Shaqada iyo arrimaha Diinta 1969-1972.KHIBRADAHA QAAANUUNIGA
  • Xubin ka mid ah Guddiga Farsamo ee Diyaarinta Dastuurka Jumhuuriyadda Soomaaliya. Mogadishu, Somalia. 1989-1990 – Guddigan wuxuu Qormadii Dastuurka u Gudbiyeen Golaha Shacabka . Dood muddo b5 bilood socotay ka dib waxaa la ansixiyey 12ki Oktobar 1990 waxaa Faafinta Rasmiga ah lagu soo saaray 14 Oktoobar 1990.
  • Guddoomiyaha Kooxda (Panel) Diyaarinta Sharciga Shaqada Soomaaliyeed ( Somali Labour Law) iyo Sharciga Shaqaalaha Rayadka ah ee Dawladda (the Somali Civil Servants Law) -Mogadishu, Somalia.1970 – Guddiga wuxu dib-u-habayn ku samayey habka meeleynta Shaqaalah Dawladda, wuxuuna hirgeliyey jagooyinka “Xoghaye Joogto” iyo qiimaynta Xirfadleyda iyo Farsamo yaqaanada – heerka Sharciga Shaqaalahana wuxuu aad u waafajiyey heer xuquuqda caalamiga ee loo oggol yahay Shaqaalaha.

1991 – 2008

Waxaan xilal iyo shaqooyin kala duwan ka qabtay Dalka Norway, oo ay ka mid yihiin

  • Macallin dugsiyada Sare ee Koofurta Trøndelag
  • Xubin ka mid ah Guddi dhexdhexaadinta khilaafaadka (Trøndelag Konfliktrådet) – Wasaaradda Garsoorka;
  • Kaaliye QareenLeif Strøms Jus-Informasjonen law firm;
  • Xoghayaha Guud – Guddiga Fulinta Muslim Sosciety of Trondheim, Norway;
  • Xubin ka mid ah Muslim/Christian Interfaith Forum for Dialogue, in Trondheim & Trøndelag
  • Xubin ka mid ah Guddiga ka hortagga Midabtakoorka -Kontaktforum mot Rasisme og diskriminering , Trondheim, Norway
  • Xoghayaha Ururka Qareemada Caalamiga ah ee Trondheim – International Lawyers Association, Trondheim, Norway.

PUBBLICATIONS: BOOKS

  • Barashada Fagaagga Sare Adduunka:Published by Asheim Ungdomskole. 2004. ISBN. 9788292645-33-8
  • Taariikhda Norway 1814-1920 (History of Norway 1814-1920).Published by Asheim Ungdomskole. 2007. ISBN: 9788292645-27-7
  • Dalka Norway. Published by Asheim Ungdomskole. 2004. ISBN: 82-9264500-4.

About The Author