Sawirro: Wasiirada Haweenka & Arimaha Qoyska Puntland oo Ka qaybgalaysa Shir Arimaha Haweenka Looga Hadlayo Kana dhacaya Dalka Urdun

12 Jan 2017 (Puntlandes) Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin Wasiirada haweenka iyo arimaha qoyska dowlada Puntland ayaa waxaa ay maanta u anbabaxday dalka Urdun halkaasi oo ay uga qayb galayso shir looga hadlayo arimaha hormarinta haweenka iyo qoyska waxaana wasiiradu ka heshay shirkaa casumaad rasmi ah.

Shirkaan oo ay agaasimayso hay,ada UNDP ayaa waxaa wasiirad Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin kajeedin doontaa hormarka baahay ee dowlada Puntland ay ka gaadhay arimaha hormarinta haweenka iyo qoyska iyo sidii ay wasaaradu juhdiga badan u galisay joojinta tacadiga haweenka.

Khudbada Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa waxaa dhagaysan doona wadamo farabadan oo ka qayb galay shirkaan kuwaasi oo qaymayn doona khudbaha kala duwan ee ay jeedinayaan masuuliyiinta haweenka turjumaha ee shirkaan ka qayb galay waxaana wasiiraa sogootiyay shaqaalaha wasaarada haweenka iyo arimaha qoyska dowlada Puntland.

IMG-20170112-WA0001

IMG-20170112-WA0004

IMG-20170112-WA0005

IMG-20170112-WA0007

Puntlandes.com

About The Author