RW Ku-Xigeenka Dalka Oo Hambalyo u diray Labada Gudoomiye Ku-Xigeenka Ee Golaha Shacabka

12 Jan 2017 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka dalka ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa hambalyo u diray labada Gudoomiye Ku-Xigeen ee Baarlamaanka oo maanta lagu doortay Xarunta Golaha Shacabka.

Mudane Carteh ayaa Mudane Cabdiweli Ibraahim Sheekh Muudey iyo Mudane Mahad Cabdala Cawad kula dar-daarmay in ay si hufan u gutaan masuuliyadda la saaray.

“Gudoomiye Ku-Xigeenka 1aad iyo Gudoomiye Ku-Xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka ee ku guuleystay in ay helaan kalsoonida Xildhibaanada, waxa aan kula dar-daarmayaa in aanay dayicin codka Xildhibaanada oo si daacadnimo ah u gutaan waajibaadkooda”.

Ugu dambeyn, Mudane Maxamed Cumar Carteh ayaa dhamaan Xubnaha Baarlamaanka uga mahadceliyay sida ay uga go’antahay in doorashooyinka dalka ay si xasiloon ku soo dhamaato.

unnamed (1)unnamed (2)unnamed (3)unnamed

Puntlandes.com

 

About The Author